Baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo maanta shir ku yeeshay xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho ayaa kaga dooday halkaas miisaaniyada sadexda bilood ee soo socota.
Tirada mudanayaashii maanta soo xaadiray kulanka oo ahaa kii 14aad ee uu yeesho baarlamaanka cusub ayaa ahayd 173 sida uu sheegay gudoomiyaha baarlamaanka prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.
Gudoomiyaha oo furay kulanka ayaa sheegay inuu kooramku buuxsamay sidaasna uu kulanku ku furanyahay.
Intaasi kadib ayaa la guda galay ka doodisa iyo su’aalla weydinta guddiga Farsamo ee laga dhex xulay Barlamaanka ee la doonayey in ay tallooyin ku biiriyaan Qorshaha Miisaaniyaddda, waxaana mudanayaasha doodooda intii ay socotay ay aheyd mid isudhow iyadoo inta badan ay ka mideysnaayeen meel marinta miisaaniyadda Sadexda Bilood ee soo socota lagu howlgali doono.
Gudoomiyaha baarlamaanka ayaa sheegay codeyn gacan taag ah kadib inay 169 mudane u codeeyeen miisaaniyada sadexda bilood ee soo socoto, 5 ay ka aamustay halka 3 kalena ay diiday sidaas darteed ay ansax tahay miisaaniyada sadexda bilood ee soo socota.
Afhayeenka Barlamaanka ayaa u yeeray Wasiiru dowlaha maaliyadda waxa uuna wasiiru dowalaha haddalkiisa ku so kooban mahadcelin ballarran oo uu u jeediyey Barlamaanka, Gabagabada kulanka ayuu guddoonka Barlamaanka ka codsaday mudanayaasha in ay yimaadaan Soddanka Bisha si ay u qaataan Nuqulka Labaad ee Xeer hoosaadka Barlamaanka taasi oo fursad u siineysa in ay si wanaagsan u soo akhariyaan.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com