Ayada oo uu shalay gelinkii dambe gudiga farsamada ee soo xulista xildhibaanada baarlamaanka cusub uu soo gudbiyay liiska magacyada 202 xildhibaan ayaa waxaa soo baxayso in maalinta Isniinta ah ee inagusoo fool leh la dhaarin doono xildhibaanadaas.
Sida ay sheegtay Xaliimo Yareey oo ah la gudoomiyaha gudiga farsamada ayaa waxa ay sheegtay in marka la dhaariyo xildhibaanada cusub ay ayagana soo dooran doonaan gudoomiyaha cusub ee baarlamaanka iyo kuxigeenadiisa.
Liiska shalay lasoo gudbiyay ayaa waxaa ka maqan beelaha qaar oo aan weli soo dhameystirin soo xulista xildhibaanadii uga mid noqon lahaa baarlamaanka cusub.
Dadka ka dhex muuqdo liiska cusub ayaa waxaa kamid ah gudoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ah musharax u taagan xilka madaxtinimada dalka Soomaaliya, raisalwasaare Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo sidoo kale u taagan madaxweynanimada Soomaaliya iyo weliba wasiiro xukuumada hada jirto kamid ah iyo xildhibaanadii hore in badan oo kamid ah.
Liiska waxaa ka maqan madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo aan la ogeyn sababta uu uga maqanyahay inkastoo aanay beelaha qaar weli soo gudbin liisaskooda.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com