Sunday, May 19th, 2013

Baaritaano ka socda magaalada Beledweyne

Wararka ka imaanay xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya inay halkaasi ka socdaan baaritaano ay sameynayaan ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya.

Baaritaanada ayaa ka socda xaafada Howlwadaag ee magaalada Beledweyne halkaasoo uu qarax xoogani ka dhacay shalay kaasoo aanay cidna wax ku noqon.

Ciidamada ayaa xiray wadooyinka xaafada Howlwadaag halkaasoo ay baaritaanadu ka socdaan. Inta badan dhanka galbeed ee magaalada Beledweyne oo ay xaafada Howlwadaagna ku taalo ayay ka dhacaan weerarada ay soo qaadaan ciidamada Xarakada Alshabaab.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply