Friday, May 24th, 2013

Askar Ugaandhees ah oo lagu la’yahay Soomaaliya.

Sida ay shaaca ka qaaday dowlada Uganda waxaa la la’yahay afar kamid ah askarteeda ku sugan gudaha dalka Soomaaliya ee qaybta ka ah howlgalka midowga Afrika ee AMISOM.

Askarta la la’yahay ayaa lagu waayay dagaal ka dhacay garoonka Bali doogle Khamiistii lasoo dhaafay sida ay sheegtay dowlada Uganda oo intaas raacsiisay inaysan ogeyn halka ay ku dambeeyeen askartaas.

Afhayeenka Ciidamada Milateriga Uganda Col. Felix Kulayigye ayaa sheegay in Ciidamada la dilay ay qeyb ka ahaayeen guutada howlka galka xoreynta Shabelle oo ah wajiga labaad ee Al-Shabaab looga saarayo Gobolada deriska la ah Muqdisho.

Horay ayaa afhayeenka howlgalada Xarakada Alshabaab waxa uu u sheegay inay dagaalo ka dhacay wadada aada dhanka Baydhabo ku dileen sideed askari laba gaadiidka dagaalka ahna ay ku gubeen askartaasna ay kamid ahaayeen kuwa Ugaandhees ah.

Ciidamada Ugandha ee qaybta ka ah AMISOM iyo kuwa dowlada Soomaaliya ayaa isku dayaya inay isku furaan magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo si ay sahayda ugusoo marto ciidamada AMISOM ee ku sugan Baydhabo, balse Alshabaab ayaa sheegtay inay wadadaas ku cadaabi doonto ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada ayada oo ay dhowr jeerna dagaalo ka dhaceen wadadaas.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply