Sunday, May 19th, 2013

Askar Itoobiyaan ah oo qarax miino ugu geeriyooday Beledweyne.

Inta la ogyahay laba askari oo Itoobiyaan ah ayaa ku dhimatay lix kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii ay ku qaraxday miino ay ka baarayeen mid kamid ah xaafadaha magaalada Beledweyne.

Miinada ayaa qaraxday ayada oo ay ciidamada Itoobiyaanku ka wadeen halkaas miino baaris, sidoo kalena waxaa ku dhaawacmay qaraxa iyo rasaas ay markaas kadib fureen ciidamada Itoobiya ilaa lix qofood oo rayid ah.

Gudoomiye kuxigeenka gobolka Hiiraan ee dhanka amniga Axmed Cismaan Inji ayaa sheegay inay Alshabaab ku aastay magaalada Beledweyne gudaheeda labaatameeyo miino inkastoo ay kasoo saareen oo ayna fashiliyeen isku dayga Alshabaab.

Beledweyne ayaa waxaa kusoo noq noqday qaraxyada lala eeganayo ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ayada oo ay dhawaanahaanba biyo dhex fadhiyeen magaalada kadib markii uu kusoo fatahay webiga Shabeelle.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply