Friday, May 24th, 2013

Arday badan oo deeq waxbarasho ka helay dalka Turkiga ayaa maanta ka dhoofay Muqdisho

Ilaa iyo 250 arday Soomaaliyeed oo deeq waxbarasho ka helay ayaa maanta waxa ay ka dhoofeen garoonka Aadan Cade ee magaalada Muqdisho.

Ardaydaan oo uu garoonka ka sagootiyay safiirka Turkiga u fadhiya dalka Soomaaliya ayaa waxa ay wax ka baran doonaan jaamacadaha kala duwan ee dalka Turkiga ayaga oona diyaarin doona shahaadada Masterka.

Ardaydaan ayaa lagusoo waramayaa inay fursada waxbarasho ku heleen qaab imtixaanaad internetka ah halka ardaydii ka horeysay ee Turkiga loo qaaday imtixaan caadi ah lagaga qaaday goobo kala gedisan oo magaalada Muqdisho iyo magaalooyinka kaleba ah.

Waa arday kala gedisan oo ka kala timid gobolada dalka guud ahaan sida wararka ay sheegayaan ayada oo ay dowlada Turkiga deeq waxbarasho horay ugu fidisay arday fara badan oo Soomaali ah.

Ardayda ayaa waxaa ka qaaday garoonka Muqdisho ee caalamiga ah diyaarad gaar ah oo ay leedahay shirkada diyaaradaha dalka Turkiga ee Turkish Aiways.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply