Wednesday, May 22nd, 2013

Ansaarudiin iyo Alshabaab isku ekaa, jabhada Tuareg iyo Xisbul Islaamna isku ekaa, (Maqaal xiisa badan)

Ururada Islaamiyiinta ee ku xiran urur weynaha Alqaacida ayaa kusii xidideysanaya qaybo badan oo dunida Islaamka ah gaar ahaan, dalalka Carabta iyo kuwa Arika ku yaala ee ay Muslimiinta ku nool yihiin.

Ururka Ansaarudiin iyo jabhada Tuareg ee ka hawlgala waqooyiga dalka Mali islamarkaasna dagaalka ku mideysnaa ayaa hada kala tagay kadib markii heshiis u dhexeeyay labada dhinac ay ku xadgudbeen dagaalyahanada ururka Ansaarudiin.

Ciidamada labada dhinac ayaa la wareegay magaalooyin waa weyn oo ku yaala waqooyiga dalka Mali ayaga oo ku dhawaaqay inay ka go’een Mali inteeda kale oo waxa ayna qaateen magaca ah AZAWAD ayaga oo ka dalbaday aqoonsi dalalka deriska la ah Mali iyo dalalka caalamka, balse ururka Ansaarudiin oo lagu sheego inuu xiriir hoose la leeyahay Alqaacida ayaa durba afka ciida u daray kuwa jabhada Tuarega ee lagu magacaabo NMLA ayaga oo dagaal kaga qabsaday magaalada Gao islamarkaasna ka taagay halkaas calanka madowga ah ee ay caanka ku yihiin ururada Islaamiyiinta xiriirka la leh urur weynaha Alqaacida.

Ururka Ansaarudiin ayaa waxa uu damacsanyahay inuu ku dhaqo waqooyiga dalka Mali Shareecada Islaamka ayaga oo sidoo kalena damacsan inay shuruucda Alqaacida ka fuliyaan halkaas balse ururka NMLA waxa uu rabaa inuu dowlad gaar ah u sameeyo dhanka waqooyi ee Mali gaar ahaan ayaga oo ugu magac daray dowladaas dhulkii AZAWA.

Hadaba ururka Ansaarudiin iyo ururka Alshabaab ayaa waxyaabo badan wadaago ayaga oo dhanka istaraatiijiyada dagaalka ka siman, calanka iyo shuruucda iyo weliba ka hor imaanshaha ururadii dagaalka qaybta kala ahaa sida Alshabaab markii ay Xisbul Islaam dagaal kaga qabsatay deegaano badan.

 

Baidoa media.

 


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply