Hay’da xaquuqul insaanka caalmiga ah ee Amnesty international ayaa waxa ay warbixin ay soo saartay waxa ay kaga hadashay dilal loo gaystay dad rayid ah oo kunool magaalooyinka Baydhabo iyo B/weyne.
Amnesty waxa ay sheegtay inay ciidamada dowlada KMG Soomaaliya iyo kuwa Dooxada Shabeelle ay ku laayeen magaalada B/weyne ilaa iyo 7 qofood oo rayid ah halka sidoo kalena ay ciidamada dowlada KMG Soomaaliya ay ku dileen magaalada Baydhabo ilaa iyo dhowr qod oo rayid ah.
Hay’ada xaquuqul insaanka caalamiga ah ee Amnesty waxa ay sidoo kale sheegtay inay kasii dareen xaaladaha amaanka magaalooyinka Baydhabo iyo B/weyne tan iyo markii ay ciidamada dowlada KMG Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya magaalooyinkaas.
Hay’adu waxay sheegtay inay la xiriirtay dad ku nool magaalooyinka Baydhabo iyo B/weyne kuwaasoo sheegay inay filayeen in mar haddii Alshabaab laga saaray magaalooyinkaas ay xaaladaha amaan is bedelayaan balse ay hada kabasii dareen.
Amnesty waxay ugu baaqday masuuliyiinta dowlada KMG Soomaaliya inay joojiyaan gaboodfalada lagula kacayo dadka aan waxba galabsan islamarkaasna sharciga la hor keeno dadka geystay gaboodfaladaas.
Warbixinta ay soo saartay hay’da Amnesty International ayaa waxa ay kusoo aaday xili ay amaandari kajirto magaalooyinka Baydhabo iyo B/weyne ayada oo ay magaalooyinkaasna gacanta kuhayaan ciidamada dowlada KMG Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya.
Dad badan waxa ay aaminsanyihiin inay xaaladaha amaan ee magaalooyinkaas hagaagsanaayeen xiligii Alshabaab ay ku sugnayd magaalooyinkaas maadaama ay Alshabaab tahay urur iska adag oo ciidamadooda kala maareyn kara.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com