Maadaama ay shalay oo ay bishii lasoo dhaafay ahayd 31 ayaa waxa ay ku asteysnayd maalintii ugu dambeysay ee wakhtiga ay AMISOM sii joogi kartay gudaha dalka Soomaaliya.
Hadaba sida caadada ahaydba, golaha amaanka ee Qaramada midoobay ayaa ka fariistay arintaas kuna kordhiyay xiliga ay AMISOM sii joogi karto Soomaaliya si ay howlgalkeeda usii wadato mudo todobaad ah.
Inta lagu guda jiro mudadaas todobaadka ah ayaa waxaa la filayaa inuu mar kale fariistay golaha amaanka si uu wakhti dheeraad ah ugu daro howlgalka AMISOM weliba waxaa lagu wadaa in mudo sanad ah loogu kordhiyo joogitaanka AMISOM ee gudaha Soomaaliya.
Dhanka kale, golaha amaanku waxa uu ku kala aragti duwanaaday ka qaadista cunaqabteynta xaga hubka ah ee saaran dalka Soomaaliya.
Golaha amaanka waxa uu isku afgartay inuu dib u eegis ku sameeyo cunaqabateynta xaga hubka ee saaran Soomaaliya tan iyo sanadkii 1991gii.
Dowlada Soomaaliya oo uu taageerayo ururka midowga Afrika ayaa waxa ay ka dalbadeen golaha amaanka ee Qaramada midoobay in cunaqabateynta xaga hubka laga qaado dalka Soomaaliya si loo tayeeyo ciidamada dowlada Soomaaliya ayna u hantaan amaanka guud ee dalka.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com