Wednesday, May 22nd, 2013

AMISOM oo uu waqtigeeda joogista Soomaaliya gabaabsi yahay.

Ayada oo tiro dhowr jeer ah loo cusboonaysiiyay joogitaankooda gudaha Soomaaliya ciidamada midowga Afrika ee AMISOM ayaa markaan waxaa u harsan toban cisho oo keliya ayada oo aan welina loo kordhin joogitaankooda gudaha Soomaaliya taasoon la ogeyn xiliga iyo inta loo kordhin doono.

AMISOM ayuu waqtigu kaga egyahay 30/10/2012 ayada oo aanu golaha amaanka ee Qaramada midoobay weli u kordhin waqtiga lana ogeyn xiliga laga fariisan doono arintaas.

Sida caadada ahaan jirtay mudo bil kahor ayaa loo kordhin jiray AMISOM joogitaankeeda gudaha dalka Soomaaliya balse hada oo ay toban cisho u harsantahay lama oga sababta aan weli loogu kordhin waqtiga.

Ciidamada midowga Afrika ee AMISOM ayaa haddii uu sidaan ku dhaco waqtigooda loogu talagalay oo aanan loo kordhin ay noqon doontaa joogitaankooda Soomaaliya mid sharci daro ah marka loo eego xeerarka caalamiga ah.

Midowga Afrika ayaa waxaa ka joogo gudaha dalka Soomaaliya ciidamo ka badan 15000 kuwaasoo ka kala socda dalalka Uganda, Burundi, Kenya, Djibouti iyo Senegal oo ay ciidamo tira yar kaga suganyihiin gudaha Soomaaliya.

Dowlada Soomaaliya oo sii martay golaha amniga midowga Afrika ayaa waxa ay ka dalbatay golaha amaanka ee Qaramada midoobay in laga qaado cunaqabateynta xaga hubka ah ee saaran Soomaaliya tan iyo sanadii 1991 si loo khalabeeyo ciidamada xooga dalka Soomaaliya oo aan hada haysan khalab ku filan.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply