Saraakiisha ciidamada nabad ilaalinta midowga Afrika ee AMISOM ayaa waxa ay sheegeen inay xaqiijinayaan amaanka wadada dheer ee isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo.
Sarkaalka madaxda ka ah ciidamada AMISOM ee gobolka Shabeelada hoose ayaa sheegay inay Alshabaab awoodeedii wiiqantay oo ayna ciidamadoodu hada ku suganyihiin deegaanka Leego isaga oo intaas raaciyay inay dhawaan isku furi doonaan wadada Baydhabo iyo Muqdisho.
‘’ Alshabaab awooddoodii wey daciiftay ammaanka Muqdisho iyo meelaha kale ee aan kala wareegnay Shabaab waa mid la isku halleynkaro, haddana waxey ciidamadu ku suganyihiin Tuulada Leego, mar dhowna waddada isku xirta Barydhabo iyo Leego waan isu furidoonnaa’’ ayuu yiri Gen. Silver oo ah taliyaha ciidamada Amisom ee G/Sh/Hoose oo shir Jaraa’id ku qabtay Balli doogle.
Hadalka kasoo yeeray sarkaalka ka madaxda ah ciidamada AMISOM ee gobolka SHabeelada hoose ayaa kusoo aadayo xili ay dagaalo ka dhacaaan inta badan wadada isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com