AMISOM mise KENYASOM?

<

Dad badani waxa ay is weydiinayaan cinwaanka maqaalkan iyo waxa ka dambeeya, dabcan waxba waxbay ku yimaadaan, aqristayaasha sharafta lahow, waxaan usoo qaadanay cinwaankaan kadib markii ay soo if baxday ujeedada dhabta ah ee ay dowlada Kenya usoo gashay gudaha dalka Soomaaliya.

Kenya waxa ay Oktoobartii sanadii 2011  usoo dirtay gudaha dalka Soomaaliya kumanaan ciidamadeeda ah oo si aad ah u khalabeysan ayada oo ku andacoonayso inay la dagaalameyso Alshabaab oo ay sheegtay inay amaankeeda halis ku tahay balse baroorta orgiga ka weyn.

Ciidamada Kenya waxa ay tababar u fidiyeen dhalinyaro inta badan ku xareysnaa xeryaha qaxootiga ee Kenya ku yaala kuwaasoo kasoo jeeda gobolada Jubbooyinka iyo weliba meelo kale oo aan ahayn Jubbooyinka, balse dhamaan ciidamada ay tababartay waxa ay kasoo wada jeedaan hal beel.

Si ay mar marsiinyo ugu hesho Kenya soo gelitaankeeda gudaha Soomaaliya, waxa ay ciidamada ay soo tababartay u kala saartay kuwo ay ku sheegayso inay yihiin ciidamada qaranka Soomaaliya iyo kuwo ay u bixisay jabhada Raaskambooni!

Talow, ciidamo qaran iyo jabhad xagey iskaga daba wadaa Kenya? Ujeedada ugu weyn ee ay Kenyaatiga ciidamada ay soo tababareen ka lahaayeen waxa ay ahayd sidii ay xeendaab uga dhigan lahaayeen oo ay gobolada Jubbooyinka si dad badan u hoos geyn lahaayeen Nairobi.

Kenya oo siyaasad halis ah lasoo baxday ayaa markii ay Kismaayo soo gaareen ciidamadeed waxa ay durba Qaramada midoobay iyo ururka midowga Afrika usoo bandhigtay inay qayb ka noqoto ciidamada nabad ilaalinta midowga Afrika ee AMISOM.

Maadaama ay jirtay baahi ciidamo dheeri ah oo lagusoo biiriyo AMISOM ayaa si fudud looga aqblay Kenya dalabaadkeeda ayada oo kusoo biirtay AMISOM, maxaase dhacay?

Kenya hada waxa ay heshay ciidamo ay soo tababaratay oo ay ku adeegan karto iyo ogolaanshiyo ay AMISOM kaga mid noqoto oo ay Soomaaliya kusii joogi karto.

Ciidamada Kenya waxa ay lasoo galeen gudaha Soomaaliya, gaar ahaan deegaanada Jubbada hoose, hub aad u tira badan oo ay kamid yihiin, taangiyaal, diyaaradaha dagaalka iyo maraakiibta dagaalka.

Kismaayo waxa ay iskugu keeneen Kenyaanku hub aad u fara badan oo nooc kastaba leh. Ciidamada Kenya AMISOM looguma yeeri karee waxaa loogu yeeri karaa KENYASOM maadaama ay si toos ah u hoos tagaan taliska ciidamada Kenya ayaga oo aan wax xiriir iyo wada shaqayn ah la lahayn ciidamada kale ee AMISOM.

Shalay markii uu wafdiga dowlada Soomaaliya iyo kan AMISOM gaaray magaalada Kismaayo saraakiisha Kenyanka waxa ay u sheegeen inaysan amaankooda damaanad qaadi karin haday gudaha u galaan magaalada Kismaayo! Oo AMISOM haddii laysku yahay maxaa keenay inay amaanka saraakiisha AMISOM sugi waayaan Kenyanka, kaagasii darane, wafdigii dowlada Soomaaliya ka socday ayaa marti uga noqday magaaladii Soomaaliyeed ee Kismaayo ciidamada Kenya!! kuwa isku tilmaamayo inay yihiin ciidamo dowladeed ee Kismaayo joogana waxa ay cadeysteen inay adeegayaal u yihiin Kenyanka.

Daniel Arap Moi, madaxweynihii hore ee Kenya ayaa horay u cadeeyay inaysan Kenya raali ka ahayn inay Soomaaliya degto hadalkaasoo ah mid maanta loo wada jeedo.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo xukuumada cusub waxaa la gudboon inay sida ugu dhaqsiyaha badan uga dalbadaan dowlada Kenya inay ciidamadeeda kala baxdo gudaha Soomaaliya islamarkaasna ay ciidamo u dirto gobolada Jubbooyinka hadii kale, magaalada Kismaayo waxa ay si toos ah u hoos tagi doontaa Nairobi.

Mid kale oo ayana meesha ku jirto ayaa waxa ay tahay inay Kenyanku dhaqaale ka sameynayaan dhuxusha laga dhoofinayo dekeda Kismaayo taasoo ay dowlada Soomaaliya iyo golaha amaanka Qamara midoobay mamnuuceen.

 

SOOMAALIYA SOOMAALIYAA LEH.

Baidoa media.


NAGALASOO XIRIIR

baidoamedia@hotmail.com

info@baidoamedia.com


HALAAN KU REEB WIXII COMMENT AMA FAALO AH. MAHADSANID