Monday, May 20th, 2013

Amaanka Muqdisho oo maanta ka gedisan sidii hore.

Waxaa saakay sidii hore ka duwan amaanka magaalada Muqdisho ayada oo ay ciidamada dowlada Soomaaliya ee militariga, booliska iyo nabadsugida oo ay weheliyaan booliiska iyo militariga AMISOM ku suganyihiin dhamaan wadooyinka waa weyn iyo isgoysyada magaalada.

Ciidamada ayaa hakad geliyay dhaq dhaqaaqa gaadiidka ayaga oo si gaar ah usoo buux dhaafshay wadooyinka soo gala xaafadaha ku dhow dhow garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo Iskoola Pluzio oo ah goobta ay ka dhacayso munaasabada caleema saarka madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Magaalada ayaa waxaa tan iyo shalay soo gaarayay wufuud caalami ah ayada oo ay sidoo kalena imaanayaan magaalada wakiilo ka kala socdo dowladaha caalamka si ay goob joogayaal uga noqdaan xaflada caleema saarka madaxweynaha.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply