Wednesday, June 19th, 2013

Amaanka Baydhabo oo si weyn loo adkeeyay.

Waxaa si weyn loo adkeeyay amaanka magaalada Baydhabo sida uu soo sheegayo wariyaha magaalada Baydhabo ee shabkada warbaahinta baidoamedia.com.

Ciidamo Itoobiyaan ah iyo kuwa katirsan dowlada KMG Soomaaliya oo aad u hubeysan ayaa lagu arkayay guud ahaan wadooyinka magaalada ayada oo taasina loo qaatay inay amaanka ku sugayaan maadama uu magaalada soo gaaray gudoomiyaha baarlamaanka KMG Soomaaliya Shariif xasanf .

Ciidamada Itoobiyaanka iyo kuwa dowlada KMG oo ku hubeysan hubka noocyadiisa kala duwan iyo weliba gaadiidka dagaalka ayaa lasoo dhoobay wadooyinka magaalada si ay uga hortagaan wixii weeraro ama amni daro ah oo ka imaada dhanka ciidamada Xarakada Alshabaab oo ku sugan daafaha magaalada.

 

Xafiiska wararka baidoamedia,

Baydhabo Janaay.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply