Sunday, May 19th, 2013

Alshabaab oo xalay gudaha u gashay Kismaayo howlgalna ka fulisay.

Ayada oo horay looga qabsaday magaalo xeebeedka Kismaayo Xarakada Alshabaab ayaa xalay markii u horeysay waxa ay dagaalyahanada Alshabaab gudaha u galeen magaaladaas ayaga oo ka geystay weeraro silsilado ah kuwaasoo ruxay guud ahaan magaalada.

Ciidamada Alshabaab ayaa waxa ay ay weeraro xoogan u geysteen saldhiga magaalada Kismaayo, madaxtooyada iyo xeryaha ay ku suganyihiin ciidamada dowlada Soomaaliya, kuwa Kenya iyo weliba maleeshiyo beeleedka Raaskambooni.

Dagaalka oo in mudo ah socday ayaa waxaa daryanka madaafiicda iyo jabaqda rasaasta yar yar laga maqlayay guud ahaan xaafadaha magaalada Kismaayo ayada oo ay jiraan qasaarooyin ka dhashay dagaalkii xalay balse aan si rasmi ah weli loo shaacin inta ay la egyihiin qasaarooyinkaas.

Dagaalyahanadii Alshabaab ee soo weeraray magaalada Kismaayo ayaa iskaga baxay magaalada kadib markii ay fuliyeen howlgalkii ay magaalada usoo galeen.

Weerarkii xalay ay Alshabaab ka geysatay gudaha magaalada Kismaayo ayaa muujinayo inaysan dagaalyahanada Alshabaab ka ag fogeyn magaalada ayada oo meesha ka saareysa in laga adkaaday Shabaabkii Kismaayo mar hadii ayba qal qal gelin karaan amaanka guud ee magaalada weeraro baaxad lehna ka geysan karaan gudaha magaalada.

Alshabaab ayaa mudo sanad ah dagaalo kula jirtay kumanaan ciidamada Kenya, kuwa dowlada Soomaaliya iyo weliba maleeshiyada Raaskambooni, kuwaasoo isku dayayay inay ka saaraan Alshabaab gobolada Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya.

Deegaanada qaar ee gobolada Jubbooyinka waxaa weli ka arimisa Xarakada Alshabaab.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply