Alshabaab oo sii daysay dhakhaatiir ay horay ugu af duubatay gobolka Hiiraan.

Xarakada Alshabaab ayaa sii daysay klaba dhakhtar oo ay horay ugu qafaasheen deegaanka Halgan ee isla gobolka Hiiraan. Dhakhaatiirtan ayaa waxa ay u xirnaayeen Alshabaab tan iyo 16kii bishaan aan ku jirno ee Febraayo xiligaasoo ay maleeshiyada Alshabaab ku qafaalatay mar ay adeegyo caafimaad ka fulinayeen deegaanka Halgan.

Alshabaab ayaa markii hore ku eedaysay dhakhaatiirtaan inay u shaqeeyaan hay’ad ay horay uga mamnuuceen gobolka Hiiraan balse markii dambe shalay gelinkii dambe iskasii daayay dhakhaatiirta.

Waxaa sidoo kale lasii daayay kalkaaliye Dhaqane Muunim Cismaan oo ah kalkaaliyaha rugta caafimaad ee deegaanka Halgan kaasoo dhakhaatiirta kusoo dhaweeyay deegaanka Halgan.

Halgan waxa ay ku taalaa inta u dhaxeysa magaalooyinka Beledweyne iyo Buulobarde waana deegaan mudooyinkii dambe si aad ah u dhismayay dowladii madaxweyne Shariifna loo magacaabay inay degmo tahay.

 

Baidoa media.


NAGALASOO XIRIIR

baidoamedia@hotmail.com

info@baidoamedia.com


HALAAN KU REEB WIXII COMMENT AMA FAALO AH. MAHADSANID

LATEST NEWS