Tuesday, May 21st, 2013

Alshabaab oo sheegatay inay weli Kismaayo ku sugantahay.

Xarakada Alshabaab ayaa sheegatay inay weli ku sugantahay magaala xeebeeda Kismaayo xili si aad ah loo hadal hayo inay iskaga baxeen magaalada.

Maxamed Cismaan Caruus oo u hadlay Alshabaab ayaa u sheegay BBCda inay weli magaalada gacantooda ku jirto,

“Anaga waxaan ku suganahay Kismaayo, waa been iyo borobogaanda warka dhahaya Al Shabab ayaa ka baxay magaalada, ciidamada Kenya iyo kuwa Soomaalida mar hore ayey ka baxeen oo dib ayey ugu laabteen meelihi ay kasoo ruqaansadeen,” ayuu yiri Mr Caruus.

Dhanka kale, afhayeenka Raas kambooni Cabdinaasir Seeraar ayaa sheegay inaysan jirin awood ka hor taagan magaalada Kismaayo isaga oo sidoo kalena sheegay inay kaabiga ku hayaan magaalada.

Mr. Seeraar waxa uu sheegay inay dhisayaan maamul islamarkaasna ay dejinayaan xaalada magaalada kahor inta aanay gudaha u gelin isaga oo sidoo kalena carabka ku adkeeyay inay wiiqantay awoodii Alshabaab ay ku daafacayeen magaalada Kismaayo.

Alshabaab ayaa shalay rartay khalabkii idaacadii afkooda ku hadlaysay ee Andalus taasoo ka howl geli jirtay magaalada Kismaayo.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply