Friday, May 24th, 2013

Alshabaab oo qabsatay Wabxo iyo ciidamada Itoobiya oo iskagasii baxay Buulo Xaawo.

Ciidamada Xarakada Alshabaab, ayaa waxa ay dib u qabsadeen degmada Ceelbuur iyo deegaanka Wabxo ayada oo ay sidoo kalena jiraan warar sheegayo inay cabsi kajirto magaalada Dhuusamareeb oo ah caasimada gobolka Galgaduud.

Dhinaca kale ciidamada Itoobiya ayaa iskaga baxay deegaano badan oo ay horay u qabsadeen ayaga oo sidoo kalena kuwii Ahlusuna ee la socdayna ay iskaga baxeen deegaanadaas.

Ciidamada Itoobiya ayaa waxa ay maanta iskaga baxeen degmada Buulo Xaawo ee gobolka Gedo ayaga oo u dhaqaaqay dhanka magaalada Doolow.

Degmada Ceelbuur ayaa waxaa lagasoo sheegayaa inay ciidamada Alshabaab gowraceen ilaa iyo 10 dad rayid ah oo ay ku eedeeyeen inay la shaqeynayeen ciidamada Itoobiya iyo kuwa Ahlusuna.

Dadka la bireeyay ayaa lasoo sheegayaa inuu kujiro sheekh mu’adin ka ahaa masaajid ku yaalo degmada Ceelbuur ayada oo ay sidoo kalena ku jiraan dadka la bireeyay ganacsato.

Xarakada Alshabaab oo mudo kooban ay kaga qabsadeen ciidamada Itoobiya dhul ballaaran ayaa hada waxaa muuqato inay dib ugusoo noqonayaan deegaanadii lagala wareegay kadib markii ay Itoobiyaanku soo faarujiyeen deegaanadaas.

Kasoo bixitaanka ciidanka Itoobiya goobihii ay horay ula wareegeen ayaanan weli la ogeyn ayada oo uusan jirin wax war ah oo kasoo baxay dowlada Itoobiya.

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply