Wednesday, June 19th, 2013

Alshabaab oo magaalada Marka ku toogatay rag ay ku sheegtay inay jawaasiis ahaayeen.

Xarakada Alshabaab ayaa shalay gelinkii dambe toogasho ku dishay magaalada Marka 3 ruux  ay ku til maameen inay ahaayeen jawaasiis u shaqeynaysay hay’adaha sirdoonka Mareykanka iyo Britain ee kala ah CIA iyo MI6.

Qaadiga guud ee maxkmada Alshabaab Sheekh Cabdul Xaaq ayaa tilmaamay inay ragaani ka dambeeyeen dilalkii loo geystay saraakiil Soomaali iyo ajaanib ah ka tirsanaa Xarakada Alshabaab.

Qaadigu waxa uu sheegay in mid kamid ah sadexdaan ruux lagasoo diray xafiiska MI6 ee Soomaaliya oo ku yaala magaalada Hargeysa halka labada kalena ay ka dambeeyeen dilkii loo geystay Bilaal Al-Barjaawi oo ahaa sarkaal ajnabi ah oo ka tirsanaa Xarakada Alshabaab.

Raggaan ayaa lagu eedeeyay inay aaladii u sahashay diyaaradii Mareykanka ahayd ee dishay Al-Barjaawi ugu xireen gaarigiisa.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply