Ciidamo ka tirsan Xarada Alshabaab ayaa waxa ay habeenkii xalay ahaa madaafiicda hoobiyayaasha ku weerareen xaafado katirsan degmada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose.
Madaafiicda ayaa geystay qasaare soo gaaray dad rayid ah oo ay hoobiyayaashu ugu tageen guryahooda, ilaa iyo shan ruux ayaa ku dhaawacantay madaafiicdii ay Alshabaab xalay ku weerartay degmada Afmadow.
Ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa Raaskambooni ee ku sugan degmada Afmadow ayaa saakay ku baxay meelihii ay madaafiicda hoobiyayaasha xalay kagasoo dhaceen Afmadow.
Ciidamada dowlada Soomaaliya oo ay kaabayaan kuwa Kenya ayaa bilooyin kahor kala wareegay gacan ku haynta degmada Afmadow Xarakada Alshabaab.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com