Wararka ka imaanayo gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada Xarakada Alshabaab ee gobolada dhexe la wareegeen gacan kuhaynta degmada Maxaas ee gobolkaas.
Maxaas oo ay dhawaanahaanba waxaa gacanta ku hayay ciidamada Ahlusuna Hiiraan ayada oo ay hada gacan kuhaynteeda mar kale dib ugu noqotay Alshabaab oo inta badan deegaanada gobolada Hiiraan iyo Galgaduud lagala wareegay kadib markii ay ciidamada Ahlusuna oo ay kaabayaan kuwa Itoobiya weeraro xoogan ku qaadeen deegaanadaas.
Sheekh Maxamed Yuusuf Xeefow oo ah gudoomiyaha gudiga fulinta Ahlusuna ayaa sheegay in magaalada Maxaas ay gacantooda ka baxday inkastoo uusan arinkaasi weli ka hadlin gudoomiyaha Ahlusuna ee gobolka Hiiraan Aadan Cabdulle Cawaale.
Alshabaab ayaa waxa ay weli gacanta kuhaysaa labada degmo ee kala ah Buulo barde iyo Jalalaqsi oo kuwada yaalo gobolka Hiiraan sidoo kalena deegaano dhowr ah oo katirsan gobolka Galgaduud .
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com