Monday, May 20th, 2013

Alshabaab oo Kismaayo isaga baxday iyo dadka magaalada oo ku qamaamay xarumihii Shabaabka.

Waxaa lasoo xaqiijinayaa inay dhamaan ciidamadii Xarakada Alshabaab ee ku sugnaa gudaha magaalada Kismaayo iskaga baxeen halkaas kadib dagaalo magaalada gudaheeda iyo hareeraheeda ka dhacay.

Ayada oo ay ciidamada huwanta ahi hareerayn ku hayeen magaalada ayaa waxaa xalay go’aan kasoo baxay sida ay wararku sheegayaan hogaanka sare ee Xarakada Alshabaab kaasoo farayay dhamaan dagaalyahanada Alshabaab inay ka baxaan magaalada si aanay u go’doomin.

Dhanka kale, dadka magaalada Kismaayo ayaa waxa ay bilaabeen inay boobaan xarumihii Alshabaab gaar ahaan saldhigii degmada Kismaayo oo ku yaalo xaafada Calanleey.

Weli waxaan si buuxda ula wareegin ayagana magaalada ciidamada huwanta oo weli ku sugan hareeraha magaalada Kismaayo kuwaasoo sheeda ka eeganaya sida ay wax u dhacayaan.

Waxaa ayana hawada ka maqan idaacadii Andalus oo ku hadli jirtay afka Alshabaab.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply