LIVE RADIO

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!

SOMALI LINKS

ALSHABAAB OO KA HADASHAY QARAXII SHALAY. (DHEGAYSO)

Sheekh Cabdicasiis Abuu Muscab oo ah afhayeen howlgalada Xarakada Alshabaab ayaa waxa uu ka hadlay qaraxii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho iyo waxyaabo kale.

Abuu Muscab ayaa sheegay in dagaalyahan ka tirsan Alshabaab uu shalay isku qarxiyay goob ay ku sugnaayeen ciidamada dowlada Soomaaliya halkaasna uu ku dilay 7 ruux halka ay kuwo kalena ku dhaawacmay.

Afhayeenka howlgalada Alshabaab waxa uu ku goodiyay inaysan jiri doonin meel lagaga bad baado qaraxyada Alshabaab isaga oo sidoo kalena sheegay inay kusoo maqanyihiin goobo kale oo ay dowladu ku sugantahay.

Abuu Muscab ayaa sidoo kale waxa uu sheegay inay sidoo kale shalay ka geysteen weeraro gobolada Bay iyo Jubbooyinka isaga oo tusaale usoo qaatay inay deegaanka Kulbiyow ee gobolka Jubbada hoose  kula dagaalameen ciidamo katirsan dowlada kalana wareegeen.

Mar uu ka hadlayay gobolka Bay, waxa uu sheegay Abuu Muscab inay shalay dagaal ku qaadeen goob ay ku sugnaayeen ciidamada dowlada Soomaaliya ee deegaanka Goof gaduud isaga oo ku faanay inay dhowr jeer ku jebiyeen dagaalkii shalay ciidamada dowlada kana qabsadeen goobtaas in cabaar ahna gacanta ku hayeen.

Hoos ka dhegayso codka Sheekh Abuu Muscab.
 
 
HALKAAN KA DHEGAYSO HADALKA SHEEKH ABUU MUSCAB.


NAGALASOO XIRIIR

baidoamedia@hotmail.com

info@baidoamedia.com


HALAAN KU REEB WIXII COMMENT AMA FAALO AH. MAHADSANID