Ayada oo maalmihii ugu dambeeyay ay dagaalo ka dhacayeen qaybo kamid ah gobolka Shabeelada hoose ayaa waxaa soo baxaya sheegasho ay Xarakada Alshabaab sheeganayso inay gaadiid dagaal ku gubtay dagaaladii ugu dambeeyay askar Soomaali iyo AMISOM ahna ku laysay.
Afhayeenka guud ee howlgalada Xarakada Alshabaab Sheekh Cabdicasiis Abuu Muscab oo ka hadlayay dagaaladii ka dhacay Shabeelada hoose ayaa sheegay inay ku dileen 4 askari oo Ugaandhees ah iyo 7 askari oo Soomaali ah halka ay ku gubeen gaari beebe ah oo nooca ciidamada ah.
“Waxaan warbixin u soo gudbineynaa inay guulesyteen muslimiinta, cadawga dalka iyo diinta ku soo duulay, shalay Garoonka Balli-doogle meel u dhow Ciidamo marayay ayay Mujaahidiinta Kamiin u dhigeen markii weerar xoogan oo qasaare geystay ku qaadeen”ayuu yiri Abuu Muscab.
Dhinaca kale, Abuu Muscab waxa uu sheegay inay awoodii Alshabaab sideedii u taagantahay meelihii ay iskaga baxeena ay xeelad milatari uga baxeen.
Hadalka kasoo yeeray Xarakada Alshabaab ayaa imaanaya xili ay ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM sheegteen inay shalay la wareegeen deegaano hor leh oo ka tirsan gobolka Shabeelada hoose.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com