Friday, May 24th, 2013

Alshabaab oo gudaha u gashay Garbahaarey iyo dagaal xoogan oo halkaas ka dhacay

Habeenkii xalay ahaa ayaa waxaa ka dhacay degmada Garbahaarey dagaal xoogan oo dhex maray ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa Xarakada Alshabaab kaasoo geystay qasaare nafeed.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ay ciidamo katirsan Alshabaab gudaha u galeen magaalada weerarna ku qaadeen xarumaha ciidamada dowlada Soomaaliya ee magaalada Garbahaarey.

Dagaalka ayaa dhacay xalay saqdii dhexe ayada oo ay inta laga war hayo ku geeriyoodeen 2 ruux oo rayid ah halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen kuwaasoo dhamaantoodba ahaa rayid.

Qasaaraha soo gaaray dhinacyadii dagaalamayay ayaanan weli la ogeyn ayada oo uu dagaalku markii dambe joogsaday kagadaal markii ay ciidamadii Alshabaab ee magaalada soo weeraray iskaga baxeen magaalada.

Garbahaarey oo ay gacanta ku hayaan ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa inta badan waxaa ka dhaco dagaalo soo noq noqda oo ay gudaha ugusoo galaan ciidamada Xarakada Alshabaab oo ku sugan deegaano aan ka fogeyn magaalada.

Alshabaab ayaa taatikadeedii dagaal u bedeshay ku dhufoo ka dhaqaaq ayada oo inta badana beegsata xarumaha ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa Afrikaanta ah ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply