Friday, May 24th, 2013

Alshabaab oo dagaal jid gal ah maanta ku dishay sarkaal sare oo ka tirsanaa ciidamada XDS.

Ayada oo uu maanta dagaal ka dhacay inta u dhexaysa degmada Marka iyo deegaanka Buufow ee gobolka Shabeelada hoose ayaa waxaa soo baxayo faah faahin ku saabsan dagaalkaas.

Ciidamo katirsan Xarakada Alshabaab ayaa waxa ay dhabaha u galeen gawaari kolonyo ah oo ay wateen ciidamada dowlada Soomaaliya kuwaasoo kasoo amba baxay degmada Marka.

Dagaalka oo cabaar socday ayaa waxaa ku dhintay taliyihii guutada 5aad ee ciidamada dowlada Soomaaliya jeneraal Maxamed Faarax “Goordon” kaasoo lagu galbinayay gaadiidka dagaal ee wadada loo galay maanta.

Ciidamo katirsan Xarakada Alshabaab ayaa kolonyadaas gaadiidka ah dhabaha u galay ayaga oo markii dambena u ruqaansaday deegaanadii ay kasoo duuleen.

Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa sidoo kale dhinacyada is fara saaray waxaa soo kala gaaray qasaare kale oo dhimasho iyo dhaawacba leh.

Sarkaalka dhintay ayaa kamid ahaa saraakiisha ugu sareyso ciidamada khalabka sida ee dowlada Soomaaliya taasoo muujinayso inay Alshabaab weli ku xoogantahay gobolka Shabeelada hoose.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply