Waxaa sare u kacay qiimaha raashiinka qutul daruuriga ee degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool kadib markii ay wadooyinkii ay raashiinka usoo marayeen degmadaas xireen ciidamada Xarakada Alshabaab sida uu sheegay gudoomiyaha degmada Xudur ee dowlada KMG Soomaaliya Maxamed Macallin oo warbaahinta la hadlayay.
Gudoomiyuhu waxa uu sheegay inay qorsheynayaan dhawaan inay furaan dhamaan wadooyinka soo gala degmada Xudur si ay dadka magaalada u helaan raashiin ku filan.
Dadka ku dhaqan degmada Xudur ayaa soo sheegaya inaanay jirin raashiin ku filan magaalada oo soo gaarayo halkaas islamarkaasna uu qaali noqday qiimaha la kala siisto raashiinka qutul daruuriga ah.
Xudur waxa ay kamid tahay deegaanada ay dhowaan ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowlada KMG Soomaaliya kala wareegeen Xarakada Alshabaab.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com