Saturday, May 25th, 2013

Alshabaab oo Buur hakaba dib ugusoo noqotay dhaq dhaqaaqyana ka bilawday halkaas.

Ciidamada Xarakada Alshabaab oo horay uga baxay degmada Buur hakaba ayaa shalay gelinkii dambe dib ugusoo laabtay degmada Buur hakaba ayaga oo dhaq dhaqaaqyo ciidana ka bilaabay halkaas.

Saraakiil katirsan Xarakada Alshabaab ayaa dadka degmada Buur hakaba u sheegay inay la dagaalamayaan cadawga dowlada iyo AMISOM ee kusoo wajahan degmadaas.

Dhawaan ayay ahayd markii ay ciidamada Xarakada Alshabaab iskaga baxeen magaalada Buur hakaba kadib markii ay ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM la wareegeen deegaanka Wanla weyn oo u dhow Buur hakaba.

Alshabaab ayaa dhawaanahaanba waxaa gacantooda ka baxayay deegaano fara badan oo katirsan gobolada dalka Soomaaliya tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay Alshabaab iskaga baxday magaalada Muqdisho.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


One Response to Alshabaab oo Buur hakaba dib ugusoo noqotay dhaq dhaqaaqyana ka bilawday halkaas.

  1. xasan cali says:

    SARAAKIISHII XOOGGA DALKA SOOMAALIYA = SARAAKIISHII HOOGGA DALKA SOOMAALIYA

Leave a Reply