Sunday, May 26th, 2013

Alshabaab ma difaacan kartaa magaalada Jowhar?

Ayada oo ay dagaaladii ugu dambeeyay dhul ballaaran ku weysay Xarakada Alshabaab, ayaa hadana waxaa muuqda saan saan colaadeed taasoo dul haawaneyso magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe.

Shalay magaalada Balcad ee gobolka Sh/dhexe waxaa ka ruqaansaday ciidamada dowlada KMG Soomaaliya oo ay kaabayaan kuwa AMISOM kuna hubeysan gaadiidka dagaalka sida taangiyo.

Ciidamadaan ayaa u jiheystay dhanka magaalada Jowhar inkastoo aanay gaarin Jowhar oo aan masaafo fog u jirin degmada Balcad.

Ciidamada Alshabaab ee hada kusii harsan magaalada Jowhar ayaa tiro ahaan iyo gaadiid ahaanba u babac dhigi karin ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada KMG Soomaaliya ee duulaanka ku ah magaalada.

” Magaalada waxaa ku harsan ciidamo tiro yar oo kuwa deegaanka ah oo uu horkacayo Sheekh Kabakudukade, ciidamadii deegaanada kale ka yimid ee badnaa ee horay ugu sugnaa magaalada goor hore ayay ka baxeen, ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM awood hor istaagi karto ma joogto magaalada Jowhar” sidaas waxaa u sheegay shabakada war baahinta baidoamedia.com mid kamid ah dadka degmada Jowhar oo dhawaan kasoo amba baxay magaalada.

Marka loo eego dagaalada jihooyinka badan ee ku socdo Xarakada Alshabaab iyo weliba deegaanada gacantooda kusii harsan, waxaa muuqato inaysan Alshabaab hada lahayn awood ay ku hor istaagaan weerarka kusoo wajahan magaalada Jowhar.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply