Thursday, May 23rd, 2013

Allaha u naxariistee waxaa maanta si weyn loogu aasay dalka Sweden Sheekh Mursal Aadan Khaadi. ( Sawiro)

Waxaa maanta si weyn loogu aasay magaalada Stockholm ee caasimada dalka Sweden Sheekh Mursal Aadan Khaadi oo ku geeriyooday isla magaalada Stockholm.

Aaska Sheekh Mursal oo ay kasoo qayb galeen Muslimiin fara badan oo ku dhaqan magaalada Stockholm ayaa waxaa si weyn isugusoo baxay sidoo kale Soomaali fara badan.

Sheekh Mursal ayaa waxa uu ahaa mid kamid ah odayaasha Soomaaliyeed isla markaasna odayaasha Koonfurgalbeed Soomaaliya ee ku dhaqan dalka Sweden isaga oo sidoo kalena horay usoo noqday gudoomiyaha jaaliyadda Digil iyo Mirifle ee dalka Itoobiya.

Allaha u naxariistee Sheekh Mursal ayaa waxa uu u geeriyooday xanuun mudo gaaban hayay ayada oo uu ifkana kaga tegay 1 gabar iyo xaas.

C/qadar Salas,

Baidoa media, Stockholm, Sweden.

 


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply