Thursday, June 20th, 2013

Aktar caan ah oo u dhashay dalka Hindiya oo sanadkaan kamid ah xujeyda.(Sawiro)

Ayada oo ay malaayiin Muslimiin ah ku suganyihiin Xajka isla markaasna ay xajinayaan ayaa waxaa kamid ah malaayiintaas dad caan ah oo ay kamid yihiin cayaar yahano, maal qabeeno iyo dad markoodii hore diimo kala haystay soona Muslimay.

Hadaba sanadkaan dadka xajinayo ayaa waxaa kamid ah aktarka caanka ah ee u dhashay dalka Hindiya isla markaasna Muslimka ah kaasoo lagu magacaabo Amir Khan.

Amir Khan ayaa lagu xasuustaa aflaan badan oo uu horay usoo jilay kuwaasoo u badnaa jecayl, aflaanta uu jilay aktarkaas ayaa waxaa kamid ah filinka Dil oo la dhigay sanadii 1990 si weyna ay dadka Soomaalida u xiiseyn jireen oo ayna ku jirtay heestii

Mujhe Neend Na Aaye

Aktarka Amir Khan ayaa waxaa ku weheliso xajka sanadkaan hooyadiis oo waayeel ah oo ay wada xajinayaan.

Baidoa media.

 


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply