Friday, May 24th, 2013

Ahlusuna oo ka digtay ansixinta qabyo qoraaleedka dastuurka.

Ururka Ahlusuna ee gobolada dhexe ayaa ka horyimid kana digay ansixinta dastuurka qabyo qoraaleedka ee lagu wado in lagu ansixiyo magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Ahlusunada gobolada dhexe Sheekh C/laahi Sheekh C/raxmaan Abuu Yuusuf (Alqaadi) ayaa waxa uu uga digay shacabka Soomaaliyeed inaanay ku deg degin ansixinta dastuurka oo uu sheegay inuu qatar ku yahay diinta iyo qaranimada ummada Soomaaliyeed.

Sheekh Alqaadi ayaa dhanka kale waxa uu ugu baaqay madaxda sar sare ee dowlada KMG Soomaaliya inaysan dhibaato hor leh u horseedin ummada Soomaaliyeed maadaama ay ayaga wadaan dastuurkaan waxa uuna ugu baaqay in dib loo dhigo ansixinta dastuurka ilaa laga saxayo qaladaadka kujiro.

Dhawaanahaanba waxaa isasoo tarayay mucaaraddada ka dhanka ah dastuurka qabyo qoraaleedka ah ee lagu wado inuu yeesho dalka Soomaaliya balse aan weli la ansixin ayada oo ay dhinacyada kala duwan ee bulshadana kasoo yeertay qaylo dhaan kuwajahan asixinta dastuurka cusub.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply