AFSHEEY KU ROOROW AF KALA ANG ROOROW INGTEE ANG JHEEDA?

Afsheey ku roorow waa qofka afkiisa ka ordaya mid kalena u ordaya. Sida aan wada ognahay Luuqada Soomaaliga waa Maay iyo Maxaatiri, Maxaatiri iyo Maay lama dhihin ee bal u fiirso, waxaa soo hor maray Maayga.

Dastuurka Soomaaliyana waxaa ku qoran in luuqada Soomaaliga ay tahay Maay iyo Maxaatiri, hadaba Luuqada Maayga waxaa looga hadlaa inta badan gobolada koonfureed ee Soomaaliya, sida Bay, Bakool, Gedo, Jubbadda dhexe, Jubbada hoose iyo Shabeelada hoose.

Dabcan goboladaan aan soo sheegnay sidoo kale qaybo kamid ah waxaa looga hadlaa Maxaatiriga taasna micnaheedu waxa uu yahay inay isku dhex noolyihiin meelaha qaar dadka ku hadla afka Maayga iyo kan Maxaatiriga.

Magaalada Baydhabo waxa ay tahay xarunta luuqada Maayga. Luuqada Maayga ayaa waxa ay leedahay lahjado kasii baxa sida, Af Dabaraha, Jiidada, Garaha, Afka looga hadlo magagalada Marka iyo weliba Maayga qudhiisa oo leh siyaabo kala duwan oo loogu hadlo.

Hadaba aan usoo daadagno dulucda cinwaanka warkaan, Soomaalidu markay is dishay kadib waxaa soo baxay oo xal loo arkay in wax lagu qaybsado 4.5 balse taas lafsad ahaanteeda ayaa xaqdaro loo arkay oo waxaa bedelay in wax loo qaybsado 5 beelood.

Hadaba, wasiirkasta iyo xildhibaan kasta waxa ay metalaan deegaano iyo gobol/gobolo.

Cabdixakiin Maxamuud Xaaji Fiqi, waa wasiirka wasaarada gaashaandhiga dowlada federaalka Soomaaliya, waa wasiir howlkar ah, waa wasiir jecel inuu xilkiisa si wanaagsan u guto, waa wasiir jecel inuu magaca Soomaaliga noqdo mid heybadiisii ay dib usoo laabatay balse waa wasiir AFSHEEY KU ROOROW AH!!!

Mudane Fiqi markii uu dhawaan gaaray xarunta gobolada koonfureed ee Soomaaliya ee magaalada Baydhabo waxa uu la kulmay saraakiisha ciidamada dowlada, odayaasha dhaqanka magaalada Baydhabo, haweenka iyo maamulka gobolka Baay, balse muxuu yiri?

Fiqi oo ku hadlaya Afka MAXAATIRIGA: ” Waxaa isoo diray madaxweynaha dowlada Soomaaliya iyo raisalwasaaraha”  mar kale hadana, ” Waa in Shabaab laga xoreeyee deegaanada ay haystaan sida Diinsoor” Oday Isaak Isaak iyo oday Mad Madeey ayaa is weydiiyay, ” Oo kaalay, sow deegaanadaan ma matelo wasiirka, muxuu af MAXAATIRI ugu hadlayaa?” labadii oday oo yaaban waxna is weydiinaya ayaa waxaa soo dhex galay oday Keerow, waxa uuna yiri, ” Wasiirku armuu moodaa inuu wasiir ka yahay dowladii marxuun Siyaad Barre ee Af Maaygaba aan maqli jirin?” Odayaashii oo ku wareersan khudbada Fiqi ayaa waxaa misne makaroofoonka qabsaday Xildhibaan Xaabsade oo kamid ah siyaasiyiinta deegaanada koonfurta Soomaaliya, waxa uuna yiri, ” WEY SIING SHEEGAANEE, SHABAAB WAKTISHOO SA KA DHAMAATHY, ILAAHEY MAHA ARUURIYI” Odayaashii ayaa ay halmar neeftii kasoo fuqday oo yiri, ” REER JINAAD, SA LA FADEE, MAAY DOOGIKAANA UNU OO BEYDHOWA ROOGNA LANG UNULEEY NOO DHALATHY NIIKYKA DOWAHA WAAYI INGTEE SEEDAANA UNU”

Hadaba markaan ka hadalno ujeedada qoraalkaan waxa ay tahay, wasiir Fiqi ma ahan inuu kula hadlo dadka uu matelo Afka Maxaatiriga balse dabcan waa uu u madax banaanyahay inuu kula hadlo Soomaalida Maxaatiriga ku hadasho.

Guntii iyo gaba gabada qormadeenu waxa ay tahay, AFSHEEY KU ROOROW AFKAA HANG NAGHOOY.

FG: Ujeedada qormadaan ma ahan in sharafta wasiir Cabdiaxakiin Maxamuud Xaaji Fiqi lagu wax yeeleeyo ee waxa aan uga dan leenahay innaan wasiirka xasuusino inuu isaga hormuud ka noqdo taabagelinta luuqada MAAYGA oo kamid ah luuqadaha Soomaaliyeed maadaama ay Soomaaliya leedahay MAAY IYO MAXAATIRI.

Qormada todobaadka ee

Baidoa media.


NAGALASOO XIRIIR

baidoamedia@hotmail.com

info@baidoamedia.com


HALAAN KU REEB WIXII COMMENT AMA FAALO AH. MAHADSANID