Magacyada Gudiga Afurinta Masjid Jaamaca Baydhabo 1-Gudomiye: Sh.Nuur Dheere tell: 0615593718 2-Kuxigeen Shariif Cabdalla Eelaay : 0615578320 3-Xiriiriye Bashiir Maxamed Aadan 0615590121 4-Maxamed Sh.Aadam 5- Macaani Sh.Sahal 6- C/Rashiid Sh .Maxamed Tarafiko

LIVE RADIO

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!

SOMALI LINKS

Afka Hala oontiro!‏

Seduction Genie – How To Attract Men For Women012/06/abwaan-Galayr.png” alt=”" width=”182″ height=”174″ />Waxaan doonayaa inaan isweydiinno su’aalo dhawr ah, oo ku saabsan afkeena, af Soomaaligu ma cid gaaraa leh? Mise waa hanti qaranbaa iyo dowladeed? Aqristoow is weydii yaa xil ka saaran yahay Afka Soomaaliga?.

Aan ku billaabee, Soomaalidu waxay si toos ah u dareemaan baahida afka, markay qurbaha iyo waddamada dibadda yimaadaan ama mararka ay joogaan goobaha waxbarashada, ee intuu galo Maktabad, ama kaydka buuggaagta ay indihiisu qaban waayaan wax afkiisa ku qoran.

Waxaa kaaga sii daran marka ay joogaan wadamada ay hayaanka iyo barakaca ku tageen ee Galbeedka, waxaa qasab iyo sandulle lagaga dhigaa inay bartaan afka waddanka ay ku nool yihiin, iyadoo qaarkood loogu hanjabo haddey baran waayaaan in lacagta kaalmada ah ee la siiyo laga goosan doono, xilli walba oo uu gooyo barashada afka waddankaas.

In kasta oo ay aad u yar yihiin inta isku hawsha barashada afkeena hodanka ah, dhigmo iyo dhiwaqiisa, dhigaalba, dhaqan iyo hiddaba, suugaan iyo sooyaalba, oo dad badan u arkaan wax aan faa’iido laga gaarayn, balse ah, aragti gaaban iyo aqoon darro uu ka arradan yahay afkiisa.

Haddaan usoo dego ujeedka qormadayda, ayaan doonayaa inaan waxoogaa kaga hadlo shirkan lagu suntay af iyo eray bixin, aysanna ka marnayn in la soo bandhigi doono Qaamuuskii ugu weynaa ee abid ee laga qoro Af Soomaaliga, shirka waxaa lagu casuumay Madaxda Gobollada Shanta ahaa ee Soomaaliya.

Sida ay sheegeen raggii mudada dheer ka shaqaynayay qoritaanka Afka Soomaaliga waxay soo muteen dhibaatooyin iyo wacyi fara badan, oo ay kelliftey kala aragti duwanaanshaha, koox ama nin weliba, ee doorbidayey in la qaato fekerkiisa, waxaa ka mid ahaa markaas farihii la soo bandhigay dhawr farood in la qoray, sida: Farta Cusmaaniya, Kadariya, Gadabiirsiya, laatiin, IKK.

Waraysi uu siiyey Qoraa, Abwaan Xuseen Sh. Axmed “Kadare” oo ka mid ah ragga tirada yar ee hadda ka nool raggii qorey ee hirgeliyey afka Soomaaliga, warbaahinta Soomaaliyeed ayuu ku sheegay in la billaabay qoritaanka Afka Soomaaliga, ka hor xoriyada Dalka Soomaaliya, haddaba, waxa maalinba geeddi la guuro, oo guri la hadhsadoba, gu’gii 1972 dii ayaa la dhaqangaliyey in la qoro Farta Af Soomaaliga, ee ah tan aan maanta qorayo.

Aqriste, mid muhim ah aan ku wadaajiyo, oo ah, in badan inaad maqasho in Kaligi Taliye Maxamamed Siyaad lagu ammaano inuu far Soomaaliga qoray, aan ku weydiiye; ma tahay ammaan uu mudan yahay? Qofka noolaha ah waxa uu sameeyo, waay kala yihiin; Waajib laga sugayey inuu guto iyo is xilqaan uu u sigaatay buuxin kaalin bulshadeed, haddaba, midda sare, teebay noqonaysaa labadan?.

Waxaan doonayaa inaan qeexo af iyo inta la xiriirta, ee uusan ka maarmin adeegsi iyo ururinba, umadda aan intaas yeelan waxay qatar u u tahay in afkeedu lumo, maadaama baaritaanno badan lagu soo bandhigay in afaf badan ay dabargo‘ ku sigan yihiin, qaarna horeba u le’deen

Af, Suugaan, Hidde iyo Dhaqan

Hidde iyo Dhaqan

Dhaqan waa; muuqaal si dhab ah uga turjumaya waxay Qowmiyadi leedahay, ee ay kaga duwan tahay kuwa kale, ee ah; Af, Hidde, Dhaqan, Fal iyo Farsama, ee ku umaddi wadaagto, iskagana raalli tahay midna dadka adduunka la wadaagto midna keligeed leedahay, mid hore u jirey iyo mid la unkayo ama la unki doono Xaajo

ugub ama curad waa mid uun. Mid isbedesha oo laga guuro iyo mid soo kororta oo loo guuro. Dhaqankuse qaybaha nolosha ayuu galaa, gebi ahaanteed, oo ku dhisan hadday Qof Qoys ama Qaran noqon lahayd.

Dhaqanka Soomaaliyeed, marka la xuso, qofba meel ayaa u muuqata, qofbaa waxaa u muuqda Hugii iyo hannaankii dhar xidhashadii. Qof kalana waxaa u muuqanaysa oo uu xasuusanayaa, xishoodkii iyo hamrashadii gacalka iyo walaalaha. Mid kale ayaa waxaa u muuqanaysa, hiddihii iyo suugaantii. Mid kale ayaa waxaa u muuqanaya, Saanaddii hubka, Farsamadii iyo hawl nololeed, sida xoola dhaqashada reer guuraanimada, beerallayda iyo xeerarkii geedka looga dhaqmi jiray. Midbaa soo xasuusanaya, Dabshidkii, Xidigintii IQB. Dhaqanka Soomaaliyeed maaha mid qalin qof iyo buug midna koobi karayo, balse, isku soo doo wada duube, waa dhaqan umadi gaar u leedahay oo asal iyo astaan u ah.

Af

Afku waa kan wax weliba ku jiraan, waa dhawaqa Carrabka iyo Dhuunta ka soo baxa ee ka soo fula dareenka maskaxda, ee aynu u isticmaalno erayeynta nolol maalmeedka, isu tagga erayo dhawr ah ayaa noqda weedh, oo dhawaqiisa markaad maqasho kuu samaynaya macnaha iyo ujeedka aad garan doonto waxa uu yahay, Af waa wax umad u gaar ah oo ay u adeegsato heerarkeeda nololeed, waxaynu ku salaynaynaa Afku waa dhawaq ay isku fahmaan bulsho weliba oo isku dad iyo deegaan wadaagta ama ku mideysan afkaas ay ku hadlayaan afku waa hadal, Hadalkiina waa midka u sii kala baxaya; Hawraar, Hal-abuur, Hasaawe, ama Tix iyo Tiraab, hadalkaa umadeed ma jiro qof gooni u leh, ma jiro eray ka mid ah qof diidi kara adeegsigiisa, waa hanti la wada leeyahay, dadkana waxaa loogu jecelyahay, kan dhawra ee dhaqaaleeya, ee isku hawla, dayaca iyo darxumadana ka jira.

Afku wuxuu leeyahay Jirrid ama Gun, Laan iyo Faraq, intaasoo qaybood waxay kordhinayaan aqoonta afeed, walax kasta iyo qalab kasta wuxuu ku salaysan yahay afkaas iyo cidda afkaa lihi waxay u taqaan, waa magacyo iyo erayo taxan oo tilmaan iyo abbaar lagu yaqaanno, oo kuu iba bixinaya la iskuna af garanayo oo ku suntaysa ujeedka iyo oraahda qofka kale watey, weydiimo iyo war ama wacaal hadba kay doonto ha ahaatee, waa kan ay wax weliba ka soo farcameen.

Haddaba umaddeena Soomaaliyeed ayaa nasiib u yeelatey inay noqoto umad isku af ah oo aysan jirin afaf kale duwan oo ay isticmaalaan.

Afka iyo Muhiimaddiisa

Waxaa dhacday inaan la sheekeystay, rag asxaabtayda ah oo kal kala yimid waddamo kala duwan, sida: Kameroon, Everycaosta iyo waddamo kale oo Afrikaan ah, oo dhammaantood ku hadlaya Afka Fransiiska, maalin maalmaha ka mid ayaan weydiiyey maxaa la yidhaahdaa Afkiina hooyo magaciis? Wuxuu mid weliba iigu jawaabay afkayga hooyo waa Fransiis! Waxaan is idhi ismaydaan fahmin, waan ku celiyey, wuxuuna iguu jawaab celiyeen waa Faransiis, markaasaan weydiiyey, 1884 ka hor, intaanu cadowgii gumaysigu iman Afrika maxaad ku hadli jirteen? Waxay iigu jawaabeen, waxaanu lahayn, luuqado kala duwan, oo markaad 50 Km socotaba aad gelayso luuqad kale oo aan tii kale meel ka shaabihin, wuxuu markaa nin weliba ku qasbanaa inuu barto inta jiiraan la ah, luuqadahooda si ay isu fahmaan oo ay u kala adeegtaan, waxay yidhaahdeen, luuqaddan Fransiiska ayaa waxii oo dhan meesha ka saartay, waxaanu leenahay hadda hal Af oo la yidhaahdo Fransiis. Waxaay i weyiideen maxaad ku hadashaa adigu? Waxaan idhi waxaan leyaahay luuqad la yidhaahdo Soomaali oo qoran oo caalami ah, dad intaas xaddi le egna ku

hadlaan, kadib ayay iigu jawaabeen, Awooyaashaa ayaa kuu hiilliyey, oo la dagaallamay Gumaysiga, balse, haddii aydaan Talyaani, Ingiriis iyo Fransiis, iska celin lahayn, luuqaddiisu way lumi lahayd, waxaanad ku hadli lahayd af nin Yurubiyaan ahi leeyahay sida anaga oo kale, maalintaas waxaa halkaas iiga baxay inaan haysto wax aan dheerahay qayrkay oo ah, Af, Hidde iyo dhaqan ii gaar ah, oo aan cidina ila wadaagin, waa wax lagu faano, inkastoo dad badan oo Soomaaliya oo aqoonyahanno isku sheega u maleeyaan ilbaxnimo luuqadaha ajaanibka ama afafka qalaad.

Suugaan

Suugaantu waa qayb ka mida laamihii iyo faraqyadii aan soo sheegnay ee afku lahaa haddaba, waa maxay Suugaani?

Suugaan waa eray kulmiyana: hawraar kastoo hannaan, habdhac iyo heenso u gaara leh. Suugaannna asal ahaan waxay ka timaaddaa hadal, hadalkana waxaa loo kala saaraa: Tix iyo Tiraab ama Hawraar iyo Hal abuur.

Maansadu waxay u kala baxdaa qaybo badan, sida: Gabay, Guuroow, Geeraar, Jiifto, Shirib, Masafo, Saar, Buraanbur, Hees, oo dhawr nooca ah, Hees Hawleed, Hees Ciyaareed, Hees Carruureed iyo Heesaha cusub, ee iminka lagu xareediyo. Suugaanta waxaa kale oo ka mid ah Maahmaahda, Murtida, Halxiraalaha iyo Hawraaraha Halqabsiga ah, ee sida joogtada ah loo adeegsado mid walba xilligeeda iyo xuskeeda gaarka ah lagu xusho.

Qoraalka Afka

Qoraalku waa dhigaal afeed u gooniya afka lagu qorayo, isagoo la wadaagi kara xarfaha ama shaqallada qoraallo kale, oo laga adeegsado adduunka, ayey haddana, ku kala duwanaan yihiin; dhisme, dhigaal iyo dhawaq intaba. Sida maanta keenna oo ka mid qoraallada lagu qorey (Latin) haddana, qof walba oo dhigaalka Laatiinka yaqaan ayaa awood u lahayn inuu fahmo afkeena, lagase yaabe inuu kicin karo ama ku dhawaaqi karo, hadduu isku dayo inuu aqriyo, inta uu ka oggaanayo isbedelka xarfaha laatiinka ee ay luuqadaha ku qorani adeegsadaan, waa halkuu ka yidhi Abwaan Cabdule Raage Taraawiil.

 

Labaatan iyo laba aamustiyo, shaqal irmaaneeya

Amraniyo tilmaamiyo gudbe, aade iyo jooge

Isku-dare, xiriiriye falkaab, ereyadeenii ah

Ebyaniyo haddaan magac-u-yaal, ku arkay joornaalka

Mar haddii afkaygii la qoray, aabbe iyo hooyo

Mar haddaan ammaahsigi ka baxay, lagu agoontoobay

Abaal waxa leh nimankii fartaa, soo abaabulaye

Amiirnimo sin iyo garab jirtay, nagu abuureene

Afafkaa qalaad iyo maxaa, eregta ii dhiibtey

Anaa macallinoo raba dad loo, furo iskuulaade

~ Cabdulle Raage Taraawiil, 1972

 

Qoraalkii ayaa wuxuu noqday koobaha noo kaydiya, Dhaqanka, Afka, iyo Suugaanta, hadda qoraalkii Afka Soomaaliga oo laga joogo muddo hadda gaadhaysa, 40 sanadood ayaa waxaa dhawaanahan, la maqlayey in la doonayo in la horumariyo, Afka, xeerarka dhigaalka iyo qoraalka afka soomaaliga, hab iyo hannaan iyo higaad

iyo hawraar la isku raaco oo loo qaato tan keliya ee loo adeegsan karo, marka wax la qorayo.

Waxaa la sheegay in lagu qoray Jamhuuriyada Jabuuti aan walaalaha nahay Buug la yidhi waa Qaamuuskii ugu weynaa ee afka Soomaaliga.

Berigii hore waxaa dhammaan umadda Soomaaliyeed isku raacday in la qoray Af Soomaaliga, balse, uu qabyo yahay, Qoraal ahaan, dhigaal ahaan iyo Dhismo ahaanba, aanna bal kuu balbalaadhiyee, aqriste, wuxuu la mid yahay qoraalka aan maanta haysannaa, Guri guudkii laga dhisay oo dadan, oo aan lahayn daaqado, albaabo, iyo xakabado lagu fuulo, sidoo kale aan lahayn, qaybihii nasashada iyo raaxada, oo lagama maarmaan u ah nolosha, tusaalahani wuxuu sheegayaa in umadda Soomaaliyeed leedahay qoraal afeed la yaqaan, balse, aan dhammaystirnayn una baahan qabyotir xooggan oo aan loo kala hadhin.

Waxaan ka wada dhereg sannahay, umadda Soomaaliyeed ayaa nin weliba wuxuu isu yaqaana keligii Soomaali, oo gobol walba haddaad tagto ama la sheekaysato bulshada ka timid waxay isku sheegayaan inay yihiin; dadka ama gobolka ugu faraca wanaagsan ee ku hadla af Soomaaliga ugu quruxda badan uguna hoddansan, anigu anigoo dhalinyaro ah, ayaan waxaan tegay 11 Gobol oo dalka ah, oo ku kala yaalla, Waqooyi, Bartamaha, Koonfurta dhaw, iyo Galbeedka. Intii u dhaxaysay, 1988-1998 Waxaana nasiibku ii saamaxay inaan wax ka oggaado, kala duwanaanshaha, Farac afeedka ama laamaha afkeena, ma jiro, farqi weyn oo u dhaxeeya marka laga reebo qaab odhaaheedka carrabka oo kala yara geddisan, balse, erayga Soomaaliga ahi ma kala gedisnaa karaa, Tusaale ahaan: “Waa Cadhaysanahay, Waa caraysanahay, waa caraysnahay, balse, waxaa jirta inay dhammaan gobollada Soomaaliyeed, dhinacyada Suugaanta, ciyaaraha, heesaha xoolaha, qaab nololeedka reer guuraaga iyo beeralayda iskaga mid yihiin.

Waxaa jirta haddaba isu dhawaansho dhinaca afguriyada ah, bal aan is raaciyo intii isku koox ah ama wadaagta, farac af Soomaaliyeed iyo dhawaq isku mida.

Gobollada: Waqooyiga, Sool, Sanaag, Togdheer, Hargaysa, Awdal oo isku qayb ah.

Gobollada: Barriga, Nugaal iyo Barri, qayb Sanaag ah iyo Qayb Sool ah

GobolladaDhexe: Mudug, Galguduud iyo Hiiraan.

Gobollada: Shabeelooyinka

Goboladda: Jubbooyinka iyo Qayb Gedo ah

Gobollada: Bay, Bakool iyo Qayb Gedo ah

Gobolka: Banaadir. Dhammaan Afguriyadaa oo dhan ayaa looga hadlaa iyo Af Magaalada dadkeeda u gaar ahna waa jiraa.

Waxay isku farac afeed ama af guri isku yihiin hadba inta is oollin xigta kuma aanan salayn anigu sida ay isu xigaan dhinacyada dhalashada ee sida ay isula degaan ayaan ku saleeyey oo isugu afguri iyo dhawaq dhaw yihiin.

Dhinaca Dhaqanka Farqi uma dhaxeeya

Gu’gii 1993 ayaan waxaa tegay degmada Xarardheere, waxaa nasiib u yeeshay inaan soo raaco geel la waraabinayo ceelka degmada xarardheere, anigoo aqoon in badan arkay geel la waraabinayo, qalabka iyo dhaqamada geela qaybo ka mid ah ee gobolka Togdheer weliba Hawdka in badan tegay ilaa deegaamada, Balli dhiig, Buuhoodle, Duruqsi, Oodweyne, iyo tuulooyin badan oo ka sarreeya, sida Gaashaamo, Yucuboole ilaa Marqaan, dhulkaas oo aad iyo aad geela looga dhaqdo, dabeecaddihiisa iyo dhaqamadiisa aad looga xiiseeyo.

Markii geelii la soo tubey ayaa la kala horey, oo horweyn iyo irmaan loo kala saarey. Waa sidaan ku iqiinnaye, Irmaankii markuu fulay ayaa horweyntii ama

gaanihii isagana la soo tubay, waa loo heesayaa, wuxuu yidhi wiilkii xarardheere geela ku waraabinayey, sidan:

“Sool inaad tegi soddona aad qadi saas biyaha ku cab”.

Waxaan weydiiyey miyaad taqaana Axmedoow Sool, iyo Nugaal? Wuxuu yidhi: “waqooyi iney iga xigtaan ogahay, balse, heestu waa hees caan ah”

Waxaa kale oo loogu heesayaa geelaas, markuu soo fulay:

“Xabado badan oo xinjiri taal, xayaad ololaay”

“Faruur dhabashada, nin fudfudiyo fuluhu ka cabsoo”

“Xalaal iyo xoog suu ku xero galo midna kuma xuma”

Waxaa isoo baxday wiilka jooga Galguduud ama Mudug bari iyo kan jooga Buuhoodle ama Taleex Xiis iyo Maydh, iyo Berbera inuusan jirin farqi dhaqan oo u dhaxeeya dhinacyada xoola dhaqashada iyo reer guuraanimada, balse, maxaa jira, waxay kala leeyihiin deegaamadaasi, Af guriyo farac afeed aad markiiba fahmayno nin weliba gobolkuu ka yimid. Gobollada kale ee dalkuna waa la mid.

Haddaba waxaan uga socdaa intaasoo sheeko ah, Af guriyeedkaas ayaa maanta qof weliba warqada uu qorayo ama xafiiskiisa ka baxaysa ku qoraa mana jiro, af dhexdhexaad ah ama dhigaal umadda oo dhami ka dhaxayso tusaale.

Tusaale kale intan oo weedhood keebaa sax ah keebaase qalad ah?

 

Eeddo xaawao waxay iibisaa Tomaandho

Eeddo Xaawo waxay gaddaa Yaanyo

Eeddo xaawo waxay ka ganacsataa Mirooleey

 

Waryaa habeen horaato maxaa iigu gooysay,?

War habeen hore maxaad iigu jartay?

Waraa habeen hore maxaa iigu gambisay?

War heedheh, habeen hore maxaad ii lug goysay?

 

Iyadoo la isla fahmayo dhammaan ujeedka erayadan, ayaa haddana, jirin mid ah kii la isku raacay ee qoraal ahaaneed ama sida gaarka ah loo xushay, halkaas waxaa ka soo baxaa inuusan jirin, qoraal la isku raacsan yahay, balse, uu jiro keliya qoraal Soomaali ah oo nin weliba u xor yahay sida uu wax ugu qoranayo.

Waxaa jira erayo qoloba si u taqaan, oo mararka qaarkood, kaftan iyo jareexo badan dhaliya, la islana ogyahay qolo weliba sidey u taqaan, intii ka danbeysay Xornimada waxaa timid is dhex gal badan, oo dhinac walba ah, sida dhinacyada guurka, deegaanka, iyo wada noolaanshaha, waqtiyadii dhibaatooyinka iyo dagaallada sokeeyana waxay fududeeyeen, inuusan jirin, qof Soomaaliya oo lahjad kale la yaabaya oo meel walba la isugu geeyey dadkii ayna isugu tageen iyagoo isku qasban.

Waxaan aamin sanahay in la gaadhay waqtigii ay Soomaalidu ku midoobi lahayd Guddi loo saaro oo baadhitaan qota dheer ku sameeya, is waafajinta afka, dhaqanka iyo dhigaalkaba, iyagoo dhinacna u burinayn. Tusaale ninbaa waxaa lagu ammaanayaa hebel nin ka af soomaali badani ma jiro, haddii uu u yimaado nin reer baydhabood ah, ama wallaweyn ama Kuntuwaarrey ka yimidna Af gurigiisa ma yaqaan, deegaan weliba wuxuu leeyahay, ciyaaro, heeso, suugaan, way yartahay dadka inta taqaana, dhammaan deegaamada dalka oo dhan, marka qolo walba iyo gobol walba dadkooda suugaanta, iyo afka iyo dhaqanka iyo taariikhda ku xeeldheer ha la xulo, hana la wada maro, deegaamada Soomaaliya, ilaa Herer ilaa Jabuuti Gaarisa ilaa iyo Ceelaayo waa iney cagta dhigaan, gobol walba waxaa laga helayaa

Af Soomaali iyo erayo aan laga helayn gobollada kale, markaas ayaa la dhihi karaa waxaa la qorey 50% Qaamuus ah, haddii Afka badhkiis la qorana inta kalena waa soo xero gelaysaa.

Waxaa kale oo aan kula talin lahaa Guddiyadaas haddiiba la magacaabo, iney u daneeyaan dhalinta waxbaranaysa, kuwa qurbaha ku dhashay iyo cid walba oo u baahan, oo Qaamuuska la qoro waa in la geliyaa, aaladaha casriga ah, ee is turjubaana “Universal translator” Google Translator” oo ka caawin doona qofka inuu helo ama barto si sahlan kelmadaha ku adkaada ama qaab qoraaleedka saxan ee afkiisa.

Waxaa loo baahan yahay in la helo guddi madax banaan oo baadhitaan dheer oo gaaraya 10 sano iyo ka badan daraaseeysa, ka dibna dhidibada u aasa Af Soomaali la isku raacsan yahay, Dhawaq iyo dhigaal iyo habdhac iyo hannaankiisaba oo leh xeer, dabar iyo xad aan laga gudbayn, si tuducda qaldan markiiba loo tibaaxo iyadoo loo adeegsanayo qodobbada iyo xeerarka ay u sameeyaan guddigaasi.

Ku hadalka nin weliba xor ayuu u yahay, af gurigiisa iyo faraciisa, balse, nin hal gobol lama laba gobol aan dhinac u dhaafin lama dhihi karo waa nin aqoon dheeraada u leh Af Soomaaliga, saa maba yaqaan walaalkiisa kale faraca Af Soomaali ee uu ku hadlo iyo adeegsiga erayadiisa, iyo qalab iyo qaab nololeedkisaba.

Suugaanyahanka Soomaaliyeed, iyo Qoraaga Soomaaliyeed waa kaydka iyo marjaca Af Soomaaliga waxaanan ku boggaadinayaa dhammaan bahda Suugaanleeyda ah inay ilaaliyeen, oo dhawreen hanti qaran iyo Qowmiyadeed, qalinlleeydana intii wax qortey iyo kuwa hadda qori doona waan ku dhiirrigelinayaa, waxaanse u sheegayaa afka maaha tuulada aad degan tahay iyo tan kuu dhaw iyo inta reerkiinu ku hadlaan ee waa umadda Soomaaliyeed oo dhan.

 

Cabdiraxiin Hilowle Galayr

Galayr1977@hotmail.com


NAGALASOO XIRIIR

baidoamedia@hotmail.com

info@baidoamedia.com


HALAAN KU REEB WIXII COMMENT AMA FAALO AH. MAHADSANID