Thursday, May 23rd, 2013

Afhayeenkii xukuumadii hore ee Libya ee madaxweyne Qadaafi oo la qabtay.

Wararka ka imaanaya dalka Libya ayaa waxa ay sheegayaan in la qabtay wasiirkii hore ee war faafinta Libya ahaana afhayeenkii xukuumadii madaxweynihii geeriyooday ee dalka Libya Mucamar Al-Qadaafi.

Afhayeenka oo lagu magacaabo Musa Ibrahim ayaa waxa ay wararka sheegayaan in lagu qabtay magaalo lagu magacaabo Tarhuna oo dhanka koonfur galbeed kaga beegan magaalada caasimada ah ee Tripoli xili uu kasoo amba baxay magaalada dhanka koonfureed ku taala ee Bani Waleed isaga oo isku dayaya inuu baxsado.

Raisalwasaaraha dalka Libya ayaa ku dhawaaqay qabashada Musa Ibrahim ayada oo aan la ogeyn halka lagu hayo masuulkaas horay uga tirsanaa xukuumadii Qadaafi.

Musa Ibrahim ayaa ahaa afka ay ku hadli jirtay dowladii madaxweyne Qadaafi intii uu socday dagaalkii ka dhanka ahaa dowladii madaxweyne Qadaafi kaasoo galaaftay nolosha kumanaan Libyan ah oo uu kamid ahaa madaxweynihii hore ee Libya iyo sadex kamid ah wiilashiisa halka wiilkiisa weyna uu hada gacanta ugu jiro dowlada cusub ee Libya.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply