Afhayeenkii maamulka gobolka Banaadir Maxamed Cabdulaahi Cariig ayaa waxaa laga sameeyay xil kaqaadis taasoo katimid dhinaca gudoomiayaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Maxamuud Axmed Nuur (Tarzan)
Xoghayaha guud ee maamulka gobolka Banaadir Cabdikaafi Hilowle Cismaan ayaa waxa uu sheegay in xilka laga qaaday afhayeenka maamulka kadib markii uu mudo lix bilood ah dayacay hawshiisii.
Dhanka kale Mr Cariig ayaa waxa uu ku eedeeyay gudoomiyaha gobolka Banaadir inuu isku dayay inuu qaarajiyo isaga isagoo sidoo kalena ku eedeeyay inuu gebi ahaanba diidanaa hawsha uu qabanayay.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com