Saturday, May 25th, 2013

Afhayeenka howlagalada Alshabaab oo ka hadlay dagaaladii ugu dambeeyay.

Afhayeenka dhinaca howlgalada Xarakada Alshabaab Sheekh Cabdicasiis Abuu Muscab ayaa waxa uu ka hadlay dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhaca gobolka Shabeelada hoose gaar ahaan wadada xiriirisa magaalada Baydhabo iyo Muqdisho soona marta qaybo kamid ah gobolka Shabeelada hoose.

Afhayeenk ayaa sheegay inaysan ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada Soomaaliya sameynin wax dhaqaaq buuran ah isaga oo sheegay in shantii maalin ee ugu dambeysay ay ka dileen ciidamada is baheysanaya 27 askari oo ay 8 ahaayeen ciidamada AMISOM halka 4 cadaan ahna ay kamid ahaayeen ragga ay dileen.

“Shalay waxay dambeen inay soo dhaqaaqaan, waxaa gurmad uga yimid Balli-doogle, waxay ku dhaceen ilaa labo kamiin, qasaaraha guud ee shanta maalmood Talaadadii ilaa Sabtidii waxay tahay 27-askari, gaadiid ayaa laga gubay jimcihii ilaa shan gaari, mid waa gaari Taangi oo bool bool u furmay, Miino ayaa qabsaday iyo gaari beebe ah”ayuu yiri Abuu Muscab.

Dhanka kale, waxa uu sheegay Sheekh Abuu Muscab inay ciidamada huwanta shantii cisho ee ugu dambeysay oo dhan soo dhaqaaqeen 20km.

Hadalka kasoo yeeray Xarakada Alshabaab ayaa imanaya xili uu socdo dadaal ay wadaan ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM kaasoo ku aadan isku furista wadada xiriirisa magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply