Waxaa goor dhow oo caawa ah lagu dilay magaalada Muqdisho abwaan Abwaan Warsame Shire Cawaale oo kamid ahaa abwaanada Soomaaliyeed gaar ahaan isaga oo ka tirsanaa kooxda Onkod ee ciidamada qalabka sida.
Abwaanka ayaa waxaa dilka u geystay kooxo bistoolado ku hubeysan xili uu kasoo baxay masaajid ku yaala degmada Waaberi oo uu deganyahay.
Allaha u naxariistee abwaan Abwaan Warsame Shire Cawaale ayaa waxa uu ku geeriyooday isbitaalka Daaru Shifaa ee magaalada Muqdisho sida ay eheladiisa sheegeen.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa tan iyo markii la doortay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya kusoo badanayay dilalka ka dhanka ah bulshada inteeda wax galka ah.
Maanta ayay ahayd markii lagu aasay magaalada Muqdisho wariye Tuuryare oo ka tirsanaa idaacada Shabelle kaasoo u geeriyooday dhaawacyo ay u geysteen kooxu hubeysan.
Dilka caawa loo geystay abwaan Abwaan Warsame Shire Cawaale ayaa muujinayo inuu amaanka Muqdisho ahayn mid laysku halayn karo maadaama degmada Waaberi oo ahayd meelaha ugu xasilan magaalada Muqdisho dilka loogu geystay abwaanka.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com