Cabdal Baasid Al-Megrahi oo ahaa ninkii Libyan ahaa ee loo haystay diyaaradii ku dul bur burtay magaalada Lockarbie oo ku taalo Scotland sanadii 1988 ayaa waxa uu ku geeriyooday isaga oo ku sugan magaalada Tripoli oo ah caasimada dalka Libya.
Cabdal Baasid oo ay daädiisu ahayd 60 sano ayaa waxa uu ahaa ninka keliya ee lagu helay dembiga ah inuu ka dambeeyay bur burka diyaarada PAN AM oo uu lambarkeedu duulimaad ahaa 103 taasoo ay ku dhinteen dhamaan dadkii saarnaa diyaarada oo ay tiradoodu gaaraysay 259 qofood iyo 11 kale oo ayagana dhulka joogay oo bur burka diyaarada uu galaaftay.
Ninkaan Libyanka ah ayaa waxaa mudaba hayay xanuunka kansarka sidaas darteedna ay maxkamada ku taalo gobolka Scotland ay ogolaatay in xabsigii uu ku jiray lagasii daayo sababo xaga bani’aadanimada ah islamarkaasna uu geeriyoodo isaga oo qoyskiisa la joogo.
Cabdel Baasid ayaan weligiis qiran dembiga ah inuu ka dambeeyay bur burka diyaarada PAN AM balse dalalka Ingiriiska iyo Mareykanka ayaa ku adkeysanayay weligoodba inuu isaga soo maleegay bur burka diyaarada ayaga oo ka dalbaday malaayiin doolar xukuumadii madaxweynihii geeriyooday ee dalka Libya si loo siiyo qoysaskii ay dadka kaga geeriyoodeen bur burka diyaarada.
Al-Megrahi ayaa dib ugusoo laabtay dalka Libya sanadii 2009kii xiligaasoo ay soo lagasoo daayay xabsi ku yaala gobolka Scotland ee dalka Ingiriiska halkaasoo uu kusoo qaatay 8 kamid ah 27 sano oo xabsi ah oo lagu xukumay.
Cabdal Baasid Al-Megrahi ayaa waxaa si weyn usoo dhaweeyay shacab badan iyo masuuliyiin katirsanayd xukuumadii madaxweyne Qadaafi xiligii uu dib ugusoo laabanayay dalka Libya ayada oo uu dalka Mareykanka iyo dadkii ay ehelkooda ku geeriyoodeen qaraxa diyaaradii PAN AM aad uga xumaadeen sii deynta lasii daayay iyo weliba qaabka loogusoo dhaweeyay dalka Libya.



Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com