LIVE RADIO

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!

SOMALI LINKS

Aargoosi lagu hayo dadka Carabta ah iyo kuwa Tuarega dalka Mali.

Ayada oo ay ciidamada dowlada Mali oo ay taageerayaan kuwa Faransiiska la wareegeen magaalada dhanka waqooyi ku taala ee Timbuktu ayaa waxaa soo baxaysa eedayn ah in aargoosi lagu hayo dadka midabkoodu cad yahay iyo kuwa Tuarega ee ku dhaqan dhanka waqooyi ee dalka Mali.

Dadka madow ee ku dhaqan magaalooyinka ay la wareegeen ciidamada Mali iyo kuwa Faransiiska ayaa waxa ay bililiqo kula dhaqaaqeen meheradaha dadka Carabta ah iyo kuwa Tuarega.

Dhanka kale, ciidamada Mali ayaa sidoo kale waxa ay u geysteen maxaabiis ay soo qabteen jir dil iyo tacadiyo kale oo kala gedisan.

Dadka cad cad ee dalka Mali iyo kuwa Tuarega ayaa lagu eedeeyaa inay taageeraan ururada Islaamiga ah ee ka jira dalkaas gacantana ku hayay magaallooyinka dhanka waqooyi mudada 10ka bilood ah.

Ciidamada dalka Mali ayaa horay usoo faarujiyay magaalooyin badan balse markii dambe dib ugusoo laabtay kadib gacan ay ka heleen ciidamada dalka Faransiiska oo uu hubkoodu u dhanyahay.

 

Baidoa media.


NAGALASOO XIRIIR

baidoamedia@hotmail.com

info@baidoamedia.com


HALAAN KU REEB WIXII COMMENT AMA FAALO AH. MAHADSANID