Agaasimaha hay’ada nabadsugida dowlada KMG Soomaaliya mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa waxa uu ka warbixiyay miino nooca casriga ah oo ay ciidamada nabadsugida dowlada KMG Soomaaliya ku qabteen maalintii shalay ahayd Ex-Koontarool Afgooye.
Agaasimaha ayaa waxa uu sheegay inay miinada ay ciidamadu qabteen ay ahayd mid ku nooca gaadiidka lagu xiro islamarkaasna la damacsanaa in ugu yaraan uu hal qof ku dhinto isaga oo sheegay inay ku guuleysteen ciidamada nabadsugida kahortaga miinooyinkii waxyeelada ba’an geysanayay. agaasimaha ayaa sheegay inay ciidamadu qabteen ninkii watay miinadaas islamarkaasna ay sida ugu dhaqsiyaha badan usoo bandhigi doonaan saxaafada ninkaas iyo miinadii lagusoo qabtay.
Dhinaca kale agaasimaha hay’ada nabadsugida dowlada KMG Soomaaliya waxa uu ku tilmaamay hadalkii kasoo yeeray Ayman Althawaahiri, hogaamiyaha Alqaacida mid uu ku dhiirigelinayay kooxda dhaqaale ahaan, siyaasad ahaan iyo weliba militari ahaan u bur burtay ee Alshabaab.
Axmed Macallin Fiqi waxa uu dhanka kale sheegay inay ciidamada nabadsugida dowalda KMG Soomaaliya ku guuleysteen sugida amniga gobolka Banaadir.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com