Tiro aad u badan oo qaxooti Soomaali u badan ayaa waxa ay gaareen dalka Yemen kuwaasoo u badan haween iyo caruur. Qaxootigaan ayaa kasoo amba baxay gobolada Bari ee dalka Soomaaliya ayaga oo soo gaaray Yemen labadii maalin ee ugu horeysay Ciida soon fur.
Qaxootigaan oo kasoo degay xeebaha gobolka Shabwa ayaa waxaa kamid ah kuwo Itoobiyaan ah sida uu sheegay qunsul kuxigeenka safaarada Soomaaliya ee dalka Yemen Xuseen Xaaji Axmed.
Qaxootiga ayaa markii ay gaareen dalka Yemen ayaa markiiba waxaa gacanta ku dhigay ciidamada amaanka dalka Yemen kuwaasoo gaarsiiyay xerada qaxootiga Soomaalida ee Al-Qaras.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com