Tuesday, May 21st, 2013

” 5% in laysku haysto oo shaki uu kajiri odayaasha dhaqanka qaarkood waan qirayaa” wasiirka dastuurka iyo arimaha federaalka dowlada KMG Soomaaliya.

Ayada oo uu dhawaantaanba muran ka taagnaa sax ahaanshiyaha qaar kamid ah odayaal dhaqameedyada Soomaalida ee ku shirsan magaalada Muqdisho ee looga fadhiyo soo xulida xubnihii ansixin lahaa dastuurka qabyo qoraaleedka iyo weliba soo xulida xubnaha kamid noqon doona baarlamaanka cusub ayaa waxaa arintaasi ka hadlay wasiirka dastuurka iyo arimaha federaalka dowlada KMG Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil.

Wasiirka ayaa waxa uu sheegay inuu qirayo inay jiraan is qab qabsiyo iyo muran ka taagann sax ahaanshiyaha qaar kamid ah oday dhaqameedyada balse intooda badan ay saxyihiin.

Wasiirka oo u waramayay idaacada BBCda laanteeda afka Soomaaliga ayaa sheegay inuu jiro muran ka taagan qaar kamid ah oday dhaqameedyada oo ay beelaha qaar isku haystaan, ” Waxaan qirayaa in 5% uu muran ka taaganyahay sax ahaanshiyaha oday dhaqameedyada ku shirsan Muqdisho balse inta kale waa oday dhaqameedyadii la yaqaanay ee Soomaalida” sidaas waxaa yiri wasiirka dastuurka iyo arimaha federaalka dowlada KMG Soomaaliya.

Dhanka kale wasiirka ayaa mugdi geliyay safar lagu waday inay oday dhaqameedyada Soomaalida ugu amba baxaan magaalada Istanbuul ee caasimada dalka Turkiga kadib markii ay casumaad ka heleen raisalwasaaraha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan, wasiirka ayaa sheegay sababta odayaasha loo keenay magaalada Muqdisho inay tahay sidii loo ansixin lahaa dastuurka qabyo qoraaleedka sidaas daraadeedna uu isaga hada muhiimada koowaad yahay.

Hadalka kasoo yeeray wasiirka dastuurka iyo arimaha federaalka dowlada KMG Soomaaliya ayaa sare u qaadayo cabasho dhawaanahaanba kasoo yeeraysay qaar kamid ah beelaha Soomaaliyeed oo sheegayay in oday dhaqameedyadoodii saxda ahaa lagu bedelay kuwo ay soo magacawdeen shaqsiyaad siyaasiyiin ah oo xiriir dhow la leh qaar kamid ah masuuliyiinta sar sare ee dowlada KMG Soomaaliya.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply