Tuesday, June 18th, 2013

Munaasabad lagu soo Dhawaynayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo lagu Qabtay Magaalada London‏.(Sawiro)

Munaasabad si heersare ah loo soo agaasimey oo lagu taageerayey Madaxweynaha Cusub ee Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Prof. Xasan Sheekh Maxamuud, isla markaana lagu Sagootinayay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa lagu qabtey Waqooyiga magaalada London ee dalka UK.

Munaasabadaan oo ay ka soo qeybgaleen dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ayaa waxaa soo qabanqaabiyey Madaxda Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ugu horeeyo Gudoomiye Cismaan Cabdi Xooshow, Yaasiin Cabdi Yaasiin Bulsho, Zamzam Cali, Ilyaas Saciid Cali {Qalinle} iyo Mas’uuliyiin kale oo farabadan.

Munaasabada ayaa waxaa ka soo qeybgalay Boqolaal ruux oo ay ku jiraaan Mas’uuliyiin ka socda Dowlada Ingiriiska oo lagu marti qaaday, Madaxda Jaaliyadda Soomaaliyeed, Odayaal dhaqameed, Waxgarad, Dhalinyaro, Aqoonyahano, Haween iyo fanaaniin.
Goobta Munaasabada ay ka socotay ayaa guud ahaan waxaa kuwada dheganaa Boorar aad ii aad u qurux badan oo lagu taageerayo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, hal ku dhigyada lagu qoray boorarka ayaa ah Cadaalad, Sinaan, Nabad iyo Horumarka intaba ku taageer Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana inta badan marka aad fiiriso wejiyada dadka munaasabadaa ka soo qeybgalay ka Muuqatay Farxad iyo Raynrayn.
Guud ahaan Munaasabadaa oo ahayd Soo Dhawayn iyo Taageero buuxda oo loo dirayey Mudane Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxey ku soo gabogabowdey sidii loogu talagaley iyo si ka Sareysa.

Ilyaas Qalinle
London UK.

zoobeyare@hotmail.com


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply