Wednesday, June 19th, 2013

Gabay ”Muran kama taagna midaaye” By: Abwaan Nuuradiin Gacma.

Gabey Muran Kama Taagna

 

Marxalad adag ineynu ku jirnoo

Maskax kale ina saarantahay

Diidmo hadaynu keno xoog la inagu maquunin

Muran kama taagna midaaye

Magaceena inuu dhacey

Dagaalka maara an u weyneyno

Muraayadii wadanka ay burburtey

 

Muran kama taagna midaaye

Mugdi daran ineynu galney

Qabiil uu maanka inaga degoo

Mid waliba uu isla saxanyahay

Muran kama taagna midaaye

Midab kala soocu ibliis in laga keeney

Qomkii amar eeba kataga musiiba ay ku dhaceyso

Maslaxadu gacanta alle ay ku jirto

Muran kama taagna midaaye

Muqdisha lama degaan ineytahoo

Maatida lagu laaya oo

Dadka macluul ugu dhintaan

Muran kama taagna midaaye

Gumeysi dadban in la maaganyahay

Meel walbo qaxooti aynu ku joognoo

Maxaabiis qurba joog aynu nahay

Muran kama taagna midaaye

Mindi mindi kutaag iney arintu tahayoo

Qolaba magaala xiratoo

Maamul goboleed ay u sameysey

Muran kama taagna midaaye

Madaafiicda dalka lagu burburiyey

Qabqablaha madaxda looga dhigey

Malaayiin iney ku baxdey

Muran kama taagna midaaye

Maamul dhab ah in la gaara oo

Midnima qaran la hela iyo

Nabadu lagama maarmaan ay tahay

Muran kama taagna midaaye

Musuqmaasuq inaan dal lagu dhisinoo

Mooriyaan ciidan qaran aheyn iyo

Sharafta dowladnimo dadka qaar iney moogyihiin

Muran kama taagna midaaye

Maskax wadaninimo

Madax daacad ah oo bulshada qancisiyo

Diinteenoo midigta ku qabsano cadaalad in lagu gaari karo

Muran kama taagna midaaye

Gabeyga waxaa tiriyey Abwaan Nuurdiin Haaji


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


One Response to Gabay ”Muran kama taagna midaaye” By: Abwaan Nuuradiin Gacma.

  1. abdi says:

    waxaan u mahad celinayaa webside ka baidoamedia center iyo shaqaalihiisa waana salaamayaa mida xigtana waxaan websideka ka codsanayaa hadii aan ka heli karo imailka abwaan Nuurdiin haaji waxaadna igala soo xiriir karaa imail keeyga hadaad macali200@hotmail.com

Leave a Reply