Muqdisho- Ugu Horeyn waxaan halkan Duco uga dirayaa dhamaan dulmanayaashii Soomaaliyeed ee iyagoo aan waxba galabsan sida naxariis darada ah loogu laayey Baarka Village eek u yaalay daarta Hooyooyinka.
Waxaan duco gaar ah u dirayaa Shuhadada kala ah Walaalkay Liibaan Cali Nuur, walaalkay Cabdisataar Daahir Sebriye iyo walaalkay Cabdirahmaan Yaasiin Cali oo dhamaantood ka mid ahaa dadkii ku shahiida Qaran madoobaadkii ka dhacay Hooyooyinka.
Waxaan leeyahay Qabrigiina Nuur, Naruuro iyo Nagi ALLAAH ha idinku siiyo, Meel qabow badan oo aad ku qanacsan tihiin ALLAAH ha idinkaga dhigo, wayna idin tahay insha ALLAAH.
Intii ku dhaawacantay oo dhamaantood saaxiibadey iyo walaalahay qaali ah waxaan leeyahay Dhaawiciina ALLAAH ha idin bogsiiyo, shahaado maalinta qiyaamaha aad la timaadaan ALLAAH ha idinkaga dhigo.
Qalbi madoobayaashii Qorax Madoobaadkaasi sameeyeyna waxaan leeyahay sida aad hilbaha masaakiinta ugu gubteen cadaabka adduun kina ALLAAH ha ugu gubo cadaabta aakhiro, naxariista sida aad uga tagteenna rabbi ha idinkaga fogeeyo naxariistiisa.
Haddii aan intaas tacsida kaga gudbo waxaan doonayaa inaan halkan in yar ugu ifiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ALLAAH ha dhawree oo ah madaxweyne ah shacabka Soomaaliyeed doorashadiisa ku farxeen, baarlamaankana ku kasbadeen sumcad dadweyne.
Mar haddii ay sidaas tahay oo uu madaxweynuhu yahay kii loo wada hanweynaa wuxuu u baahan yahay inuu helo raiisal wasaare hawsha ay bulshada ka sugayaan madaxda qaranka ka soo bixi kara ooh awl kar ah.
Mar haddii loo baahan yahay qof hawl kar ahna qofka la soo tijaabiyey ee la hubo ayaa mar walba ka wanaagsan kana an la ogeyn waxa uu la imaan karo ee hawshu u kow tahay.
Sidaas darteed ayaan doonayaa inaan shacabka iyo Madaxweynahaba la wadaago 10-ka qodob ee aan ku sifeynayo sababta uu Md. Maxamed Cabdulaahi Farmaajo u astaahilo in loo magacaabo xilka Raiisal wasaaraha Soomaaliya.
Haddii la eego sababahaas waxaa habboon in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu soo Magacaabo Md. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo si uu u helo qof hawsha qaran ee hortaala la qaban kara, aamin ah, aqoon yahan sidiisa oo kale ah ayna isku fahmi karaan si garasho iyo aqoon ay hageyso oo aan is qabqabsi ku jirin.
Iskaashi dhex mara madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka ah ee Soomaaliyeed Md. Xasan Sheekh iyo Md. Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, Raiisal Wasaaraha Soomaaliya, wuxuu keeni karaan inuu dalka si sahlan uga soo kabto dhibaatada ku raagtay, waayo wuxuu madaxweynaha helayaa xubin hawl kar ah oo aamin ah, isla markaasna xambaarsan maskax ay ka buuxdo wadaniyad iyo hawl qaran jaceyl.
Sidaas darteed waxaan sii qaddimi lahaa Hambalyada Md. Farmaajo, haddii xilkan muhiimka ah ee horey tijaabadiisa loogu soo arkay uu Madaxweynaha u igman lahaa.
Qalinka: Abukar Albadri,
Wixii talo iyo dhaliil ah ku soo hagaaji email:Abukar.albadri@gmail.com
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com